Mareykanka: Rajada cadaalad u raadinta Khashoggi oo saqiirtey

Image
Maxkamad heer federaal ah ayaa laashay dacwad laga gudbiyey dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga.

NEW YORK, USA - Maxkamad ku taal Mareykanka ayaa Talaadadii laashay kiis ka dhanka ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ee loo yaqaano MBS, sidda ay warisay warbaahinta gudaha.

Dacwadda oo gudbisay Hatice Cengiz oo ah haweenayda la filayay in uu guursado weriyaha la dilay ee Jamal Khashoggi ayaa ujeedkeedu ahaa in MBS lagula xisaabtamo kaalintiisa khaarijintaas.

Ururka uu aas-aasay Jamal oo lagu magacaabo DAWN (Democracy for the Arab World Now) ayaa "war murugo leh" ku tilmaamay go'aanka ay maxkamadda ka gaartey gal-dacwadeedka.

"Waxaan kala tashanaynaa qareennadayada tallaabooyinka xiga," ayay soo qortey Sarah Leah Whitson oo ah agaasimaha fulinta ee ururka Democracy for the Arab World Now.

Khashoggi, oo ahaa 59 jir ah saxafi Sacuudiyaan ah, ayaa kasoo horjeeday siyaasadda dhaxal-sugaha, waxaana la sheegay in ay dileen 15 xubnood oo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Sacuudiga.

Bin Salmaan, oo 37 jir ah, ayaa bishii Sebtembar noqday Ra'iisal Wasaare. Talaabadan waxay dad badan ku qeexeen isku-day uu ku helayo xasaanad si uu uga baxsado cadaaladda.

Bishii hore, maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in dhaxal sugaha Sacuudiga uu helay xasaanad isla markaana aanan loo maxkamadeyn doonin kiiska saxafi Khashoggi.

Cengiz oo degdeg u cambaareysay go'aankan ayaa waxay dacwad u gudbisay waaxda cadaaladda ee Mareykanka, iyadda oo sheegtay in Maxamed bin Salmaan uusan u qalmin in uu banaanka baaqi sii joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM