Mareykanka: Sagaal qof oo ku geeriyootay toogasho wadareed

Image
Dhacdadan ayaa ah falkii ugu dambeeyay ee toogasho wadareedyo isxigxiga oo ka dhacaysay maalmaha fasaxa.

WASHINGTON, United States - Sagaal qof ayaa ku dhaawacantay, oo ay ku jiraan labo caruur ah, toogasho wadareed ka dhacday magaaladda Washington DC ee dalka Mareykanka, sidda ay booliisku sheegeen, iyadoo ay socdaan dabaaldegyada maalinta madax-bannaanida ee Mareykanka. Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay falkan.

Kaaliyaha madaxa waaxda booliiska magaalada, Leslie Parsons, ayaa ku sheegay bayaan muuqaal ah oo ay soo dhigtay Twitter in baaritaan ay ku bilaabeen dhacdadan.

Dhawr dhibbanayaal ah ayaa loo qaaday cusbitaallada maxalliga ah Waaxda Adeegyada Caafimaadka Degdegga ah iyo Dabka ee Degmada Columbia (FEMS), halka kuwa kalena ay iskood u aadeen. Parsons ayaa xusay in dhibane aan la aqoonsan.

Illaa hadda ma cadda in ay jiraan in ka badan hal qof oo rasaaseeyay gaariga. Dhacdadan ayaa ah tii ugu dambaysay ee toogasho wadareedyo isxigxiga oo ka dhacaysay maalmaha fasaxa.

Toban qof ayaa lagu dilay 38 kalana waa lagu dhaawacay toogasho wadareedyo ka dhacay Philadelphia, Baltimore, iyo Fort Worth, Texas ka hor fasaxii 4-ta Luulyo.

Magaalada Fort Worth, saddex qof ayaa lagu dilay sideedna waa lagu dhaawacay toogasho wadareed ka dhacday habeenimadii Isniinta kadib xaflad maxalli ah oo lagu xusayay Maalinta Madaxbanaanida, sida ay booliisku sheegeen Talaadadii.

Magaalada Philadelphia, waxaa lagu dilay shan qof, laba kalana waa lagu dhaawacay, oo ay ku jiraan wiil laba jir ah iyo wiil 13 jir ah, oo labadooduba laga toogtay lugaha, ka dib markii qof looga shakisan yahay hubkiisa oo ku hubeysnaa qoriga darandooriga u dhaca rasaas ku furay dad aan garanayn, sida uu sheegay booliiska deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM

Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

  • Caalamka

    05-05-2024

  • 08:49AM