Marinka dhoofinta Raashinka ee Ukraine oo laga shiray

Image
Duullaankii Ruushka ee Ukraine bishii Febraayo wuxuu joojiyay dhoofinta shixnadaha ee Badda Madow ee Kyiv.

ANKARA, Turkey – Wasiirada difaaca ee Ruushka iyo Turkiga ayaa ka wada hadlay marinka laga dhoofin karo hadhuudhka ee Ukraine, iyo sidoo kale xaalada waqooyiga Suuriya, wasaarada difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay in Ankara iyo Moscow ay isku diyaarinayaan wadahadal dhexmara wasiiradooda arrimaha dibadda.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa xuduud badeed la wadaaga labadaba Ruushka iyo Ukraine ee ku yaal Badda Madow, wuxuuna ka shaqeynayay sidii uu u dhex dhexaadin lahaa labada dhinac ee dagaalamaya. Turkiga ayaa taageeray Kyiv, wuxuuna diiday inuu cunaqabatayn ku soo rogo Moscow.

Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akar iyo dhiggiisa Ruushka Sergei Shoigu ayaa qiimeeyay "dhammaan tillaabooyinka la qaadi karo ee ku saabsan gudbinta haruurka, si wax looga qabto dhibaatada biniaadanimo," Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sidaas sheegtay Talaadadii.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay iyadoo wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal ay ku kulmayaan magaalada Ankara si ay uga wadahadlaan dadaallada ay Qaramada Midoobay hormuudka ka tahay ee lagu furayo marin ammaan ah oo loogu talagalay shixnadaha gargaarka Ukraine iyo Suuriya.

Duullaankii Ruushka ee Ukraine bishii Febraayo wuxuu joojiyay dhoofinta shixnadaha ee Badda Madow ee Kyiv, taasoo khatar ku ah cunno yarida caalamka, wuxuuna sare u qaaday qiimaha cuntada adduunka si uu u gaaro heerarkii ugu dambeeyay.

Dekadaha Badda Madow ee dalka Ukraine, oo ah dalka afraad ee ugu weyn dhoofinta badarka, ayaa waxaa xannibay ciidamada badda ee Ruushka tan iyo markii ay duulaanka ku qaadeen, iyadoo ilaa 20 milyan oo tan oo haruur ah ay hadda ku xayiran yihiin dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa isku dayaysa in ay heshiis la gasho si ay awood ugu siiso haruurka Ukraine in laga soo raro dekedaha sida Odesa. Ruushka ayaa sheegay inuu doonayo in laga qaado cunaqabateynta reer galbeedka, taasoo qeyb ka ah heshiiska lagu soo afjarayo xannibaadda dekedda.

Ukrain iyo reer galbeedka ayaa ku eedeeyay Moscow inay dagaal u adeegsanayso sahayda cuntada caalamka. Ruushku waxa uu xaaladdan ku eedaynayaa in ay sabab u tahay waxa uu ku sheegay miinooyinka ka hortaga maraakiibta Ukraine ee ku jira biyaha badda madow iyo cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran Moscow.

Talaadadii, wasiirka beeralayda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo eedeymaha sheegaya in Ruushka uu xaday haruur laga soo qaaday goobaha la haysto ee Ukraine.

Victoria Prentis ayaa u sheegtay shirka caalamiga ah ee haruurka (IGC) ee London in ay maqashay eedeymaha xatooyada badarka ee Ruushka ay si toos ah uga maqashay ilo ku sugan gobolka koonfureed ee Ukraine ee Kherson, iyada oo ku sifaysay mid aad u daran.

Ruushka ayaa horay u beeniyay eedeymaha ah in uu xaday raashinka Ukraine. Ukraine ayaa sidoo kale todobaadkii hore ku eedaysay Ruushka in uu Turkiga u soo raro haruurka laga soo xaday Crimea oo uu la wareegay sanadkii 2014. Waxa ay sidoo kale ku eedaysay Ruushka in 100,000 oo tan oo qamadi Ukraine ah uu u diray Suuriya.

Wasiir ku xigeenka dhaqaalaha ee Ukraine Taras Kachka ayaa shirka IGC u sheegay in sumcada shirkadaha Ruushka ay waxyeelo u geysan doonto sanado badan sida uu sheegay isku dayga ay ku ganacsanayeen haruurka la soo xaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo amartay in ay Gaza ka barakacaan in ka badan 100,000 qof

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan waxa ay ka muujisay amarkan naxdinta leh.

  • Caalamka

    14-05-2024

  • 04:17AM

Ruushka oo gudaha Ukraine ka bilaabay weeraro rogaal celis ah

Dagaalka oo sii xoogeystay tan iyo Jimcihii, ayaa horseeday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran iyo barakac baahsan oo rayidka ah.

  • Caalamka

    12-05-2024

  • 05:47PM