Markab shidaal u dhoofinayey North Korea oo "lala wareegay"

Image
Washington ayaa sheegtay in talaabadan ay xadgudub ku tahay cunaqabateynta saaran Pyongyang. [Photo: AP]

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal oo laga leeyahay dalka Singapore kaas oo loo adeegsan jiray in shidaal laGU gaarsiiyo Kuuriyada Waqooyi taas oo xadgudub ku ah cunaqabateynta caalamiga ah, sida ay sheegtay waaxda caddaaladda Ameerika.

Garsoore federaal ah oo ku sugan New York ayaa soo saaray xukun la -wareegitaan oo u oggolaanaya Mareykanka inuu lahaado lahaanshaha markabka M/T Courageous, oo hadda ku sugan Cambodia.

Markabkan oo culeyskiisu yahay 2,734-tan ayaa waxaa iibsaday muwaadin u dhashay dalka Singapore, Kwek Kee Seng, kaasoo weli baxsad ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Waaxda Caddaaladda Jimcihii.

War -saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in markabka loo isticmaalay in badeecadaha shidaalka lagu wareejiyo maraakiibta Kuuriyada Waqooyi iyo in si toos ah loogu dhoofiyo dekedda Nampo ee Kuuriyada Waqooyi.

Qoraalka laguma sheegin sababta aan weli loo keenin eedeymaha loo soo jeediyay Kwek in ka badan hal sano ka dib markii la qabtay markabka, laakiin waxay intaas ku dartay in maxkamad federaal ah oo New York ku taala ay go'aamisay xukunka la wareegida Jimcihii.

Kuuriyada Waqooyi waxaa saaran xayiraad Qaramada Midoobay kaga timid iyo cunaqabatayn kale oo caalami ah sababo la xiriira hubkeeda nukliyeerka iyo barnaamijyada gantaalaha ballistic-ga. Cunaqabateynta ayaa xaddideysa soo dejinta shidaalka iyo waxyaabaha kale.

Xiriirka Washington iyo Pyongyang ayaa ah mid aan wanaagsanayn, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi uu bishii June meesha ka saaray wax wadahadal ah oo ay la yeeshaan Mareykanka, isagoo sheegay in wada -hadalka noocaas ah uusan meelna gaarsiin doonin.

Wadahadaladii u dhaxeeyay labada dal ayaa muddo dheer hakad ku jiray sababo ku aadan cunaqabateynta caalamiga ah ee lagu soo rogay dowladda ku faanta hubka nukliyeerka oo ah ajandaha ugu weyn ee wadaxaajoodyadda iyo in Pyongyang ay ka tanaasusho gabi ahaanba khatartan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM