Wasiir hore ee amnigiisa bil walba lagu bixiyo $2 milyan

Image
"Hanjabaad culus" oo ka imaanaysa dal shisheeye ayaa la sheegay in uu wajahayo diblumaasigan sarre.

WASHINGTON, USA - Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa shaacisay in ay bixineyso in ka badan $2 milyan bishii si ay 24-saac ammaan u siiso xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mike Pompeo iyo kaaliye sare oo hore, kuwaas oo labadooduba wajahaya hanjabaado "culus oo la aamini karo" oo uga imaanaya Iran.

Wasaaradda ayaa ugu sheegtay Congress-ka warbixin ay soo saartay in qarashka lagu ilaalinayo Pompeo iyo ergeygii hore ee Iran, Brian Hook, intii u dhaxeysay Ogosto 2021 iyo Febraayo 2022 ay gaarayaan $13.1 milyan.

Warbixinta, oo ku taariikhaysan Febraayo 14 kuna calaamadsan "xasaasi ah laakiin aan la kala saarin," waxaa heshay wakaaladda wararka ee Associated Press Sabtidii.

Pompeo iyo Hook oo aan lagu xusin warbixinta goobta ay haatan ku nool yihiin ayaa hogaaminayay ololaha "cadaadiska ugu badan" ee maamulka Trump ee ka dhanka ah Iran.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in sirdoonka Maraykanku ay qiimeeyeen in khataraha  ayaga ku wajahan ay yihiin kuwo joogto ah tan iyo markii ay ka baxeen dawladda ayna sii kordhi karaan.

Hanjabaadaha ayaa sii socday iyadoo maamulka madaxweyne Joe Biden uu wadahadal aan toos ahayn kula jiray Iran kuna saabsan ku noqoshada Mareykanka ee heshiiskii taariikhiga ahaa ee 2015 ee Nukliyeerka.

Kadib markii uu xafiiska ka tagay, Pompeo waxaa si toos ah loo siiyay 180 maalmood oo ilaalin gaar ah ah taasoo fulinteeda loo xil-saarey Xafiiska Amniga Diblomaasiyadeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Laakiin mudadaas ayaa waxaa ku kordhiyay 60-maalmood xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken sababtuna tahay "khatar halis ah oo la aamini karo oo ka timid awood shisheeye ama wakiilka awood shisheeye," ayaa lagu yiri warbixinta.

Hook, oo uu weheliyo Pompeo, ayaa inta badan ahaa wajiga muuqda ee maamulka Trump ugu adeegayey cunaqabataynta iyo curyaaminta Iran, waxaana ilaalinta gaarka ah siiyey wasiirka cusub ee arimaha dibadda Antony Blinken kaasoo u muuqda mid tixgeliyey halista ammaan ee ku wajahan yihiin iyo muhiimada ay leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM