Masar: Ciqaab wadareed ayaa Gaza ka socda

Image

QASA - Dowlada wadanka Masar ayaa sheegtay in aan sinaba loo aqbali Karin doonista ay Israel ku doonayso in wuqooyiga marinka Gaza looga saaro dadka Halkaasi dagan.

Dadkaan oo tiro ahaan ka badan 1 milyan oo qof ayay biyihii ka goysay Israel Iyada oo u sii daysay koonfurfa si dadka waqooyigu ay koonfurfa ugu qaxaan.

Madaxweyne Alsiisi ayaa sheegay in ficilada Israel ay dhaafeen is-difaacid isla markaana ay Haatan yihiin ciqaab wadareed.

Sidoo kale Golaha Amniga Qaranka ee Masar ayaa sheegay in tilaabada Israel ku doonayso barakicinta dadka Gaza ay tahay mid ka hor imaanaysa xeerarka bini’aadannimada.

Hadalada Masar ayaa imaanaya Iyada oo uu maanta ka laabtay dalkaasi xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka, Antony Blinken oo shan wadan oo carab ah ku tagay kedib booqashadiisi Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM