Masar: Koox ku takhasustay xatooyada albaabada laga galo xabaalaha oo la soo qabtay

Image

QALYUBIYA, Masar - Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Gobolka Qalyubiya, ee waqooyiga Masar, ayaa baaraya kiis la yaab leh oo la xiriira koox burcad ah oo ku taqasusay xatooyada iyo iibinta albaabada xabaalaha.

Sida ku cad diiwaanka Taliska Nabad Suggida ee Qalyuubiya, Booliska ayaa warbixin ka helay dadka ku dhaqan tuulo ka mid ah gobolkaas, waxayna sheegeen inay gacanta ku soo dhigeen laba qof oo dhowr albaab oo bir ah ka dhacay xabaalaha tuulada.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warbaahina maxaliga ah in "kooxdan burcadka ah ay qirteen inay muddo ka ganacsanyeen birta uu ka sameysan yahay albaabka.

Ilaha ammaanka ayaa laga wariyay in Shan albaab laga soo qabtay eedaysanayaasha, marka lagu daro qalab albaabada lagu furto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM