Masar oo ka codsatay Israa’iil inay furto waddooyin gargaar loogu gaarsiiyo dadka Qasa

Image
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa baaq u jeediyay Israa'iil.

Qaahira (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa ugu baaqay Israa’iil maanta in ay furto Xuduudaha una ogolaato gargaar in la soo geliyo marinka Qasa, wuxuuna sheegay in Masar ay sii waddo dadaallada ay ku dooneyso in heshiis xabad-joojin ah ay gaaraan Israa’iil iyo Xamaas ayna is dhaafsadaan maxaabiista.

Gargaarka bini'aadantinimo ayaa ilaa hadda inta badan laga soo galiyaa marinka Rafah ee u dhexeeya Masar iyo Qasa iyo isgoyska Kerem Shalom ee u dhow oo ay Israa'iil maamusho, balse saraakiisha gargaarka ayaa sheegay in lacagta soo gaaray ay aad uga yar tahay intii loo baahnaa.

Saraakiisha gargaarka ayaa sidoo kale sheegaya in gaadiidka dhulka mara uu yahay habka kaliya ee wax ku oolka ah ee lagu dabooli karo baahiyaha degdega ah. Inta badan gargaarka ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa lagu keydiyay Al-Arish, oo waqooyiga ka xigta Jasiiradda Siinaay ee Masar.

Gargaarkan ayaa lala sugaya in gudaha loo geliyo marinka Qasa ka dib markii ay Israa’il furto xuduudaha una oggolaato gargaarka in la gaarsiiyo.

Masar oo ka cabsi qabta barakaca dadka reer Falastiin ee isugu soo baxay meel u dhow xuduudaha ay la wadaagto Qasa, ayaa horey u sheegtay in Israel ay diidantahay gargaarkaas in la gaarsiiyo dadka ku dhaqan marinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM

Sacuudiga oo ka qeybgalay Shir lagu difaacayo madax-banaanida Soomaaliya

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa kahor tagga faragelinta lagu hayo madax-banaanideeda .

  • Caalamka

    15-05-2024

  • 11:19AM