Masar oo sheegtay in Itoobiya ay ku fogaatay buuxinta Biyo Xireenka Renaissance

Image

NEW YORK, Maraykanka - Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shoukry ayaa sheegay in Itoobiya ay aad uga fogaatay buuxinta iyo ka shaqaynta biyo xireenka “Renaissance Dam”.

Hadalka Sameh Shoukry ayaa yimid intii lagu guda jiray khudbadii Masar ee ka hortimid Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee kalfadhigii 78-aad Sabtidii.

Shukri ayaa yiri, "Itoobiya waxay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah iyo heshiiska mabaadi'da ee la saxiixay 2015." Wuxuu intaas raaciyay: "Waan diidnay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu maareynayo kheyraadka biyaha xudduudaha isaga gudba, oo uu ku jiro biyo xireenka Renaissance.

Wasiirka Masar ayaa sheegay in dalkiisu uu wajahayo xaalad biyo la’aaneed oo aad u daran, maadaama Masar ay kaalinta koowaad kaga jirto liiska dalalka biyo yari ka jirto, maadaama uu yahay dalka ugu roobka yar marka loo eego dalalka caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM