Masar oo sii deysay wariye u xirnaa muddo afar sano ah

Image
Wariye Abdelaziz ayaa la xiray bishii June ee sanadkii 2019 kadib markii la joojiyay isaga oo ka safray Qatar.

QAAHIRA, Masar - Mas’uuliyiinta Masar ayaa xabsiga sii daayay saxafi ka tirsanaa telefishinka Al-Jazeera, Hisham Abdelaziz, ka dib markii uu ku xirnaa ku dhawaad ​​afar sano oo xabsi ah.

Abdelaziz, oo ah wariye xirfadiisu sareyso kaasoo u dhashay Masar kana tirsan kanaalka Mubasher oo hoostaga TV-ga reer Qadar, ayaa la sii daayay subaxnimadii hore ee Isniinta maanta ah

Qoyskiisa iyo xubno kamid ah saaxiibadiisa gaarka ah ayaa waxay xaqiijiyeen sii deyntiisa, waxayna sheegeen inuu hadda ku sugan yahay guriga reerkiisa ee Qaahira.

Wariye Abdelaziz ayaa la xiray bishii June ee sanadkii 2019 kadib markii la joojiyay isaga oo ka safray Qatar, halkaas oo xaruntiisa ahayd, una aaday Qaahira booqasho qoys.

Waxa uu ka mid ahaa tiro suxufiyiin ah oo ka tirsan Al-Jazeera oo ku xirnaa Masar tan iyo sannadkii 2013-kii kadib afgambigii lagu riday dowladdii madaxweyne Maxamed Mursi.

Xarigiisa ayaa waxa si joogto ah u cambaareyneysay TV-ga Al-Jazeera ay horay ugu tilmaantay “eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn” oo ay u horseeday xaalad caafimaad darro.

Masar  ayaa waxay ka mid ahayd afar waddan oo ay weheliyaan Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn – kuwaasoo qaadacay Qatar, oo Aljazeera xarunteedu tahay 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM