Matteo Messina: Madaxii Maafiyada Talyaaniga oo la qabtey

Image
Messina Denaro ayaa lagu soo waramay in laga qabtey xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay.

ROMA, Talyaaniga - Madaxa Maafiyada Talyaaniga Matteo Messina Denaro ayaa lagu xiray Sicily kadib 30 sano oo baxsad uu ahaa, sidda laga soo xigtey warbaahinta ku hadasha afka dowladda iyo saxaafada madaxa-banaan ee dalkaas dhaca qaarada Yurub.

Messina Denaro ayaa lagu soo waramay in laga qabtey xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ku taal caasimada gobolka Palermo ee Sicily. Waxaa lagu eedeeyay inuu madax ka yahay maafiyada caanka ah ee Sicily ee Cosa Nostra.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in la daweynayay markii la xiray. In ka badan 100 ka tirsan ciidamada qalabka sida ayaa la sheegay inay ka qeyb-qaateen howlgalkan.

Messina Denaro ayaa dhowr jeer waxa uu isku-dayay in uu baxado waxaana lagu xukumay xabsi daa'in isaga oo maqane ah sababo ku aadan in uu ka dambeeyay dilal badan.

Eedaha loo jeediyay waxaa kamid ah dilkii 1992-dii ee lagu dilay xeer ilaaliyeyaashii ka soo horjeeda maafiyada Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino, weerarradii bam ee lagu dilay 1993 ee Milan, Florence iyo Rome, afduub, jirdil iyo dil loo geystay wiil 11 jir ah oo uu dhalay mas'uul dowladeed oo ku martqaati furay nin maafiyo ah.

Madaxa maafiyada ayaa sidoo kale la sheegay inuu ahaa waardiyaha Toto Riina, oo ah madaxa qabiilka Corleone oo la xiray 1993 ka dib 23 sano oo uu baxsad ahaa.

In kasta oo Messina Denaro uu baxsad ahaa tan iyo 1993-kii, haddana waxaa loo malaynayay in uu wali amaro ka soo saari jiray dadka hoos yimaada meelo kala duwan oo sir ah.

Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa uga mahadcelisay ciidamada qalabka sida sida ay uga shaqeeyeen soo qabashada "xubinta ugu muhiimsan ee kooxda dambiilayaasha maafiyada", isagoo raaciyay: "Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay gobolka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM