Mauricio Funes: Madaxwayne hore oo lagu xukumay 14-sano xarig ah

Image
Mauricio Funes ayaa lagu helay labo dambi ah kuwaasoo ay kamid tahay xil gudasho la'aan.

LONDON, United Kingdom - Maxkamad ku taal El Salvador ayaa 14 sano oo xarig ah ku xukuntay madaxweynihii hore dalkaas Mauricio Funes kadib markii uu wadahadal la furay kooxo burcad ah intii uu xukunka hayay.

Wasiirkii hore ee amniga, General David Munguia Payes oo ka hoos shaqeyn jiray Funes, ayaa dhankiisa waxaa lagu xukumay 18 sano oo xarig ah sababo ku aadan ku lug lahaanshiyaha wada xaajoodka.

El Salvador ayaa in muddo ah waxay ku daba-jirtay Funes oo 64-jir ah isaga oo loo haysto dambiyo kale oo ay kamid yihiin ka ganacsiga maandooriyaha iyo lacag dhaqid.

Xukunka 14-ka sano ah ee Funes ayaa lagu sheegay in uu yahay wadarta siddeed sano oo loogu riday in uu la hadlay urur aan sharci ahayn iyo lix sano oo shaqo gudasho la'aan ah.

Sannadkii la soo dhaafay, dhawr kun oo qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin baandooyinka ayaa la ururiyay, taasoo qayb ka ah dadaalka uu madaxweynaha hadda Nayib Bukele ku doonayo inuu wax kaga qabto burcada.

Sannadkii 2015, Maxkamadda Sare ee El Salvador ayaa waxay go'aamisay in kooxaha burcaddu ay yihiin ururro "argagixiso" taasoo wax weyn ka badashay ololaha ka dagaalanka burcadda.

Labada kooxood ee dambiilayaasha ah ee El Salvador, Mara Salvatrucha - oo inta badan loo yaqaan MS-13 - iyo Barrio 18, ayaa waxaa la qiyaasay in ay leeyihiin maleyshiyaad tiradoodu dhan tahay illaa 70,000 manaxayaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM