Maxaa dib loogu dhigay dhaqangelinta Heshiiskii Israa’iil & XMS?

Image

QASA (GO) - Heshiiska xabbad joojinta ee u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ayaa lagu waday inuu dhaqan galo subaxnimadii Khamiista, balse saraakiisha Israa'iil ayaa sheegay inuusan dhaqangeli doonin ka hor Jimcaha.

Warbixin lagu faafiyay warbaahinta Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday in sababta ka dambeysa dib u dhigista rabitaanka Xamaas in Israa’iil ay joojiso dhaqdhaqaaq kasta ee ka sameeyaan gudaha marinka Qasa inta lagu jiro xilliga xabbad joojinta.

Wargeyska “Israel Today” ayaa Khamiistii sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaagan dhaqan gelinta heshiiska ay tahay in XMS ay codsigaas dhiibatay.

Xabbad-joojintu waxa ay dhigaysaa in dagaalka la joojiyo muddo 4 maalmood ah, iyada oo Xamaas sii daynayso 50 ka mid ah maxaabiista ay qabsadeen 7dii Oct, halka Israa’iil ay sii deyneyso 150 maxbuus oo falastiiniyiin ah, iyo in gargaar iyo shixnad shidaal la geeyo Marinka Qasa ee go’doonsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM