Maxaa kusoo kordhay weerarka lagu qaadey dalka Imaaraadka?

Image

Qaraxyo ka dhashay diyaarado drone ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Abu Dhabi, ayada oo Xuutiyiinta dalka Yemen ay ku dhowaaqeen “howlgallo militari” oo ay ka fuliyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

“Walxyo yar oo duula” ayaa la helay ayada oo saddex booyado shidaalka qaada ah ay ku qarxeen aag warshado, sidoo kalena dab uu ka kacay garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen booliska.

Saddex qof ayaa ku geeriyootay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada, sida ay sheegeen booliska. Dadka dhintay ayaa laba qof waxay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu kasoo jeedo Pakistan.

“Baaritaano horudhac ah ayaa tilmaamaya in walxaha yar ee la arkay ay ka yimaadeen diyaarado drone ah, kuwaas oo ku kala dhacay laba goob ayna suurta-gal tahay inay sababeen qarax iyo dab,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay booliska.

Dhinaca kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay faah-faahin ka bixin doonaan howlgal militari oo ay sheegeen inay ka fuliyeen Imaaraadka Carabta, taasi oo ka dhiggan inuu kasii daray dagaalka toddobada sano ka socda Yemen.

“Ciidamada xoogga waxay ku dhowaaqeen inay saacadaha soo socda faah-faahin doonaan howlgallo ka dhacay Imaaraadka,” waxaa sidaas barta twitter-ka kusoo qoray afhayeenka militariga Xuutiyiinta Yahya Saree.

Imaaraadka Carabta ayaa aad u yareeyey joogitaankooda militari ee dalka Yemen 2019-kii, xilli la isku mari waayey dagaalka ayna sare u kacday xiisadda gobolka iyo Iran, hase yeeshee waxay saameyn ku leeyihiin ciidamada hubeysan ee Yemen oo ay tababareen.

AFP

Related Articles

Lavrov: Mareykanka wuxuu u weeraray Iran iyo Venezuela si uu u xukumo tamarta adduunka

Wasiirka ayaa intaas ku daray in tallaabooyinka Mareykanka ee dalalka Iiraan iyo Venezuela ay si cad ugu xiran yihiin danaha tamarta.

  • Caalamka

    27-04-2026

  • 08:10AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM