Maxaa laga bedelay Aaladda WhatsApp ee Badi Soomaalidu Isticmaasho ?

Image

Shirkadda WhatsApp ayaa maalinkii Isniinta soo bandigtay isbeddel cusub oo ay ku soo kordhinayso aaladdeeda, taas oo ah qorshe looga guurayo adeegsiga lambbarrada, loona guurayo isticmaalka magacyo gaaban (username). Tallaabadan ay shirkaddu ku dhaqaaqday ayaa lagu doonayaa sidii loo horumarin lahaa dhawrista xogta. Aaladdan oo hadda hoos taga Meta, waxaa isticmaala in ka badan saddex bilyan oo qof oo ay ku jiraan badi Soomaalida haysata taleefannada waa weyn.

Adeegsadayaasha isticmaala aaladdan ayaa hadda awood u leh in ay sii qabsadaan magacyada (username) ay doonayaan in ay u isticmaalaan aaladdan, ka hor inta aan adeegga si buuxda loo hirgalin bilaha soo socda. Kolka uu qorshahan hirgalo, waxa uu qofku awood u yeelanayaa in uu doorto in dadka kale ay kula soo xidhiidhaan magaciisa, halkii uu awal uga sheegi jiray lambarkiisa.

Barnaamijkan cusub ayaa qayb libaaxle ka qaadan doona ilaalinta xogaha gaarka ah ee dadka isticmaala WhatsApp, taas oo ay ugu weynayd ogaanshiyaha lambarku.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Pakistan oo ku hanjabtay inay duqeynayso Xuutiyiinta haddii ay sii wadaan weerarrada Sacuudiga

Xiisadda ayaa sidoo kale sii kordhisay walaaca laga qabo in dagaalka Yemen uu mar kale isu beddelo dagaal ballaaran.

  • Caalamka

    09-09-2026

  • 03:59PM

Ciidamada Yemen oo Sheegay in Dagaalyahanno Al-Shabaab ah Lagu Dilay Dagaallada Xuutiyiinta

Xabbad-joojintii ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay ayaa dhacday bilo kadib markii la gaaray 2022-kii.

  • Caalamka

    08-09-2026

  • 12:38PM