Maxaa laga bedelay Aaladda WhatsApp ee Badi Soomaalidu Isticmaasho ?

Image

Shirkadda WhatsApp ayaa maalinkii Isniinta soo bandigtay isbeddel cusub oo ay ku soo kordhinayso aaladdeeda, taas oo ah qorshe looga guurayo adeegsiga lambbarrada, loona guurayo isticmaalka magacyo gaaban (username). Tallaabadan ay shirkaddu ku dhaqaaqday ayaa lagu doonayaa sidii loo horumarin lahaa dhawrista xogta. Aaladdan oo hadda hoos taga Meta, waxaa isticmaala in ka badan saddex bilyan oo qof oo ay ku jiraan badi Soomaalida haysata taleefannada waa weyn.

Adeegsadayaasha isticmaala aaladdan ayaa hadda awood u leh in ay sii qabsadaan magacyada (username) ay doonayaan in ay u isticmaalaan aaladdan, ka hor inta aan adeegga si buuxda loo hirgalin bilaha soo socda. Kolka uu qorshahan hirgalo, waxa uu qofku awood u yeelanayaa in uu doorto in dadka kale ay kula soo xidhiidhaan magaciisa, halkii uu awal uga sheegi jiray lambarkiisa.

Barnaamijkan cusub ayaa qayb libaaxle ka qaadan doona ilaalinta xogaha gaarka ah ee dadka isticmaala WhatsApp, taas oo ay ugu weynayd ogaanshiyaha lambarku.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM