Maxaabiis hore oo lagu daray dowlada cusub ee Taliban

Image
Mid kamid ah shaqsiyaadka loogu cabsida badan afarta waa Mullah Mohammad Fazl oo kusoo laabtey xil uu horey u haayey.

KABUL, Afghanistan - Dowladda cusub ee Daalibaan waxaa ku jira afar maxbuus oo hore ugu jiray Guantanamo Bay. Waxaa lagu sii daayay maxaabiis isweydaarsiga sanadkii 2014 si loogu beddelo Bowe Bergdahl.

Bergdahl wuxuu kamid ahaa ciidankii la ogolaaday ee afduubka u haystay shabakadda Haqqani. Taliban ayaa soo bandhigay xukuumadda cusub oo ku -meel -gaar ah Talaadadii todobaadkan.

Waxaa ku jiray saraakiil la baadi-goobayay iyo afarta maxbuus ee hore ee Guantanamo Bay. Aqalka Cad ayaa yiri: 'laguma degdego aqoonsiga' dowladda Taliban

Daalibaan ayaa adeegsatay baraha bulshada si ay dunida ugu soo bandhigto "dowlad loo dhan yahay". Laakiin dawladeeda waxaa ku jira wajiyo badan oo lala xiriirinayo weeraradii daaraha mataanaha ee 9/11

Xildhibaan Mike Waltz oo ka tirsan baarlamaanka Mareykanka ayaa talaabadan wuxuu ku sifeeyay inay tahay 'dharbaaxo wajiga' uga taalo halyeey kasta iyo dhibanayaasha dhacdooyinkii 9/11.

Magacyada iyo xilalka loo dhiibay maxaabiistii hore

Mullah Abdul Ghani Baradar, oo ah aasaasaha Taliban, ayaa hogaamin doona dowladda ku meel gaarka ah. Ghani Baradar ayaa laga sii daayay xabsi ku yaal Pakistan saddex sano ka hor codsi ka yimid dowladda Mareykanka.

Ku-simaha Agaasimaha Sirdoonka ayaa loo magacaabay Cabdul Xaq Wasiq. Ku -simaha Wasiirka Xuduudaha iyo Arrimaha Qabiilada waxaa loo xushay Norullah Noori.

Wasiir -ku -xigeenka Gaashaandhigga waxaa laga dhigay Mohammad Fazl, halka Ku -simaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka loo gartey in loo magacaabo Khairullah Khairkhah.

Afarta nin, oo sidoo kale ka qeyb qaatay wada xaajood toos ah oo ay la yeesheen Mareykanka shirkii Doha sanadkii hore, ayaa ku dhawaad ​​13 sano ku jiray jeelka weyn ee Guantanamo Bay.

Mid ka mid ah shaqsiyaadka loogu cabsida badan afarta waa Mullah Mohammad Fazl. Wuxuu ku soo noqonayaa kaalintii uu ku lahaa xukuumaddii ka horreysay 9/11 oo uu ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhigga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM