Maxaabiis ku dhintey dab qabsadey "jeelka xumaanta" ee Iiraan

Image
Xabsigan ayaa inta badan waxaa ku xiran maxaabiis siyaasadeed, oo ay ku jiraan Iiraaniyiin leh laba dhalasho.

ANKARA, Turkey - Ugu yaraan afar maxbuus ayaa ku dhintay 61 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu dab ka kacay xabsiga Evin ee magaalada Tehran habeenimadii xalay ka dib dagaal dhexmaray maxaabiista, sida ay ku warantay wakaalada wararka rasmiga ah ee IRNA oo soo xiganaysa garsoorka dalka.

Qaadashada qiic badan ayaa la sheegay inay tahay sababta dhimashada, IRNA ayaa werisay Axaddii, iyadoo raacisay 10 maxbuus oo isbitaal la dhigay afar ay ku jiraan "xaalad halis ah".

Xarunta inta badan waxaa ku xiran maxaabiis siyaasadeed, oo ay ku jiraan Iiraaniyiin leh laba dhalasho. Qoysaska ku dhawaad ​​labaatan maxbuus siyaasadeed ayaa soo wacay si ay u sheegaan in aanay waxba soo gaarin, sida lagu sheegay xisaabaadka ay ku leeyihiin baraha bulshada.

Xabsiga ayaa muddo dheer waxaa dhaleeceeyay kooxaha u dooda xuquuqda reer galbeedka, waxaana dowladda Mareykanka ay sanadkii 2018-kii ku dartay liiska madow ee “xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”.

Qaar kamid ah dowladaha reer galbeedka ayaa jeelkan waxay ku tilmaamaan "Xabsiga Xumaanta" iyaga oo ula jeeda in xukuumadda Tehraan ay ku geysato tacadiyo.

Dhacdadan ayaa timid iyadoo dalka oo dhan ay ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo Mahsa Amini, oo ah gabar 22 jir ah oo u dhalatay Iran taasoo ku dhimatay gacanta booliska.

Mudaaharaadyada ayaa noqday mid ka mid ah caqabadihii ugu cuslaa ee soo wajaha dowladda Iiraan tan iyo kacaankii 1979-kii, iyadoo dibadbaxyada ay ku faafeen guud ahaan waddanka, dadka qaarna ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran Ayatullah Ali Khamenei.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM