Maxamed Bin Salman oo booqanaya Iran

Image

TEHRAN - Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa aqbalay casuumaad uu u fidiyay ku simaha madaxweynaha Iran Mohammad Mokhber oo ah inuu booqasho ku tago Tehran.

Horaantii Jimcihii, Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Iran, Mohammad Mokhber ayaa taleefoon kula hadlay Maxamed Bin Salmaan, iyadoo uu Dhaxal-sugaha Sacuudiga uga tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Ebrahim Raeisi iyo wasiirka arrimaha dibadda Iran oo shil diyaaradeed Axaddii la soo dhaafay.

Wadahadalkan taleefoonka ah, Mokhber waxa uu uga mahadceliyey Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya dhambaalka tacsida ee ku aaddan dhimashada madaxweyne Ebrahim Raeisi, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in la sii wado xiriirka wanaagsan ee Tehran iyo Riyaad.

Maxamed Bin Salmaan oo hoosta ka xariiqay muhiimadda uu gobolka iyo dunida Islaamka u leeyahay horumarinta xiriirka Iiraan iyo Sucuudiga ayaa yiri “Tehran iyo Riyaad waxay door muhiim ah ka ciyaaraan gobolka iyo caalamka Islaamka, haddii la balaariyo xiriirka ka dhexeeyana ay awood u yeelan karaan mustaqbal ifaya u abuura gobolka”.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu ballaariyo xiriirka dhaqaale ee kala dhaxeeya Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM