Maxamed Bin Salman oo booqanaya Iran

Image

TEHRAN - Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa aqbalay casuumaad uu u fidiyay ku simaha madaxweynaha Iran Mohammad Mokhber oo ah inuu booqasho ku tago Tehran.

Horaantii Jimcihii, Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Iran, Mohammad Mokhber ayaa taleefoon kula hadlay Maxamed Bin Salmaan, iyadoo uu Dhaxal-sugaha Sacuudiga uga tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Ebrahim Raeisi iyo wasiirka arrimaha dibadda Iran oo shil diyaaradeed Axaddii la soo dhaafay.

Wadahadalkan taleefoonka ah, Mokhber waxa uu uga mahadceliyey Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya dhambaalka tacsida ee ku aaddan dhimashada madaxweyne Ebrahim Raeisi, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in la sii wado xiriirka wanaagsan ee Tehran iyo Riyaad.

Maxamed Bin Salmaan oo hoosta ka xariiqay muhiimadda uu gobolka iyo dunida Islaamka u leeyahay horumarinta xiriirka Iiraan iyo Sucuudiga ayaa yiri “Tehran iyo Riyaad waxay door muhiim ah ka ciyaaraan gobolka iyo caalamka Islaamka, haddii la balaariyo xiriirka ka dhexeeyana ay awood u yeelan karaan mustaqbal ifaya u abuura gobolka”.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu ballaariyo xiriirka dhaqaale ee kala dhaxeeya Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM

Trump oo markii uu ka degay Malaysia la kulmay banaanbax isaga looga soo horjeedo

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si weyn u doonaya inuu sheegto door muhiim ah oo uu ku lahaa heshiiskaas.

  • Caalamka

    26-10-2025

  • 05:00AM