Maxamed Salah oo ugu dambeyntii ka hadlay dhibtaada Qasa

Image

LONDON - Kadib dhaleecayn loo jeedinayay xiddiga reer Masar Mohamed Salah in aanu ku dhawaaqin in uu garab taagan yahay Shacabka Qasa, ugu dambeyntii waxa uu aamusnaantiisa ku jabiyay muuqaal uu soo dhigay bartiisa ‘X’.

Salah ayaa soo bandhigay muuqaal 50 ilbiriqsi ah oo ugu hadlay luuqada Ingiriiska ah, kaasoo uu ku dalbanayo in gargaarka loo baahan yahay la gaarsiiyo shacabka Qasa, lana joojiyo dilka dadka aan waxba galabsan.

Salah ayaa yiri:

“Xiliyadan oo kale in laga hadlo ma sahlana, waxaa marqaati ka eheen dulmi iyo naxariis darro. Nolosha bini aadamka oo dhami waa muqadas waana in la ilaaliyaa oo la joojiyo gumaadka.”

Waxa uu intaas raaciyay: “Midda hadda muuqata ayaa ah baahida loo qabo in gargaarka si degdeg ah loo gaarsiiyo Qasa. Muuqaalada isbitaalka xalay ayaa ahaa kuwo argagax leh. Shacabka Qasa ayaa si degdeg ah ugu baahan cunto, biyo iyo qalab caafimaad.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM