Maxamed Salah oo ugu dambeyntii ka hadlay dhibtaada Qasa

Image

LONDON - Kadib dhaleecayn loo jeedinayay xiddiga reer Masar Mohamed Salah in aanu ku dhawaaqin in uu garab taagan yahay Shacabka Qasa, ugu dambeyntii waxa uu aamusnaantiisa ku jabiyay muuqaal uu soo dhigay bartiisa ‘X’.

Salah ayaa soo bandhigay muuqaal 50 ilbiriqsi ah oo ugu hadlay luuqada Ingiriiska ah, kaasoo uu ku dalbanayo in gargaarka loo baahan yahay la gaarsiiyo shacabka Qasa, lana joojiyo dilka dadka aan waxba galabsan.

Salah ayaa yiri:

“Xiliyadan oo kale in laga hadlo ma sahlana, waxaa marqaati ka eheen dulmi iyo naxariis darro. Nolosha bini aadamka oo dhami waa muqadas waana in la ilaaliyaa oo la joojiyo gumaadka.”

Waxa uu intaas raaciyay: “Midda hadda muuqata ayaa ah baahida loo qabo in gargaarka si degdeg ah loo gaarsiiyo Qasa. Muuqaalada isbitaalka xalay ayaa ahaa kuwo argagax leh. Shacabka Qasa ayaa si degdeg ah ugu baahan cunto, biyo iyo qalab caafimaad.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM