Maxay Maxaabiista Xamaas ka yiraahdeen sida loola dhaqmo?

Image

QASA - Haweeney da’ ah oo Israa’iili ah oo ay Xamaas sii daayeen xalay ayaa sheegtay in Ururka ay u fidiyeen daryeel, ilaalin iyo dhakhtar daaweeya, ayna siiyeen daawadii ay ka qaadanaysay Israa’iil.

Yocheved Lifshitz, oo 85 jir ah, ayaa ka mid ahayd laba dumar ah oo ay Xamaas sii daysay gelinkii dambe ee shalay, taasoo tirada dadka weli u xiran ururka ka dhigaysa 220 qof.

Lifshitz ayaa u sheegtay suxufiyiinta iyadoo fadhida bannaanka isbitaalka Tel Aviv halkaas oo la geeyay ka dib markii la sii daayay. "Weligay kuma fikirin inaan dhibaatadan la kulmi doono.”

Haweeneyda da’da ah oo u muuqatay mid itaal daran, ayaa sheegtay in la saaray mooto, lagana soo kaxeeyay gurigeeda ilaa markii dambe la geeyay marinka Qasa.

Waxa ay sheegtay in dhakhtar uu soo booqday oo u xaqiijiyay in iyada iyo inta kale ee maxaabiista ah ay heli doonaan dawo la mid ah kuwii ay Israa’iil ka qaadanayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Belgium: Hadii Ruushka Gantaallo kusoo tuuro Brussels, waxaan Khariiradda ka tiri doonaa Moscow 

Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in hadalkan uu keeno su’aalo ku saabsan istaraatiijiyadda difaaca Belgiium.

  • Caalamka

    28-10-2025

  • 08:22AM

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM