Muxuu Sacuudiga u diidan yahay in Iran ay hesho hub Nukliyeer?

Image

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz ayaa Golaha Guud ee QM u sheegay in boqortooyada ay taageereyso dadaalalda looga hortagayo in Iran ay hesho hub Nukliyeer, xilli ay hogaamiyayaasha caalamka isku diyaarinayaan in dib loo billaabo wada-hadallada Tehran dib loogu soo celinayo heshiiska Nukliyeerka ee 2015.

“Boqortooyada waxay ku adkeesaneysaa muhiimadda ay leedahay in Bariga Dhexe uu ka madax-banaanaado hubka sida weyn wax u burburiya, sababtan darteed waxaan taageereynaa dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo in Iran ay hesho hub Nukliyeer ah,” ayuu boqor Salman ku yiri khudbad horey loo duubay oo laga baahiyey shirka QM.

Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa xifaaltan uu ka dhaxeeyey sanado badan, ayaga oo taageeraya kooxo kala duwan oo isku haya dalal ay ka mid yihiin Yemen, Syria iyo kuwa kale. Waxay xiriirka diblomaasiyadeed kala goosteen 2016, hase yeeshee waxay sanadkan yeelanayeen wada-hadallo la doonayo in lagu yareeyo xiisadda.

“Iran waa dal deris ah, waxaana rajeynayaa in wada-hadalladeena billowga ah ay hogaamin doonaan natiijooyin la taaban karo oo kalsooni lagu dhiso, oo ku dhisan xushmeynta qarannimada iyo faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha,” ayuu yiri Boqor Salman.

Hadalladiisa ayaa daba socday baaq uu madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ku dalbaday in dib loo billaabo wada-hadallada quwadaha caalamka, kuwaas oo hogaamin doona in laga qaado cunaqabateenada Mareykanka.

Talaadadii, wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa shirka QM kula kulmay dhiggiisa Iran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee Mehr.

Boqor Salman ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay diidan yihiin hindisooyinka nabadeed ee lagu dhameynayo dagaalka Yemen, islamarkaana Sacuudi Carabiya ay iska difaaci doonto weerarada diyaraadaha drone-ka iyo gantaallada ballistic-ga.

Reuters

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM