Maxkamad ku taal Masar oo dil toogasho ku xukuntay hogaamiyaha Ururka “Ikhwaanul Muslimiin”

Image
Hoggaamiyeyaasha Ururka ayaa lagu eedeeyay inay abaabuleen falal rabshado ah 11 sano ka hor.

Qaahira (GO) - Maxkamad ku taal Masar ayaa Isniintii dil toogasho ku xukuntay hoggaamiyaha Ikhwaanul Muslimiin Maxamed Badiic iyo toddobo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Ururka, oo lagu helay inay abaabuleen falal rabshado ah qiyaastii 11 sano ka hor.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa Luulyo 2013-kii soo abaabulay dibadbax ay isugu yimaadeen fagaaraha Raabaca Al-Cdawiya ee magaalada Qaahira si ay uga mudaaharaadaan afgambigii ay ciidamadu kula wareegeen xukunka Masar.

Bishii Agoosto ee isla sanadkaas ayay ciidamada ammaanku xoog ku kala eryeen Dibadbaxaas, taasoo keentay in la laayo in ka badan kun qof oo ay ku jiraan kaadiriin iyo taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiin.

Maamulka ayaa intaa ka dib bilaabay howlgalo ka dhan ah Ururkaasi, waxaana la xiray kumanaan ka tirsan loona gudbiyay maxkamad, kuwaasi oo intooda badan lagu xukumay xabsi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump: Wadahadallada Iran way socdaan inkastoo diyaarad drone Iranian ah lasoo riday

Trump oo la hadlay wariyeyaasha Aqalka Cad ayaa sheegay in Washington ay “hada” la wadahadlayso Tehran.

  • Caalamka

    04-02-2026

  • 08:43AM

Diyaarad Dagaal Mareykanku Leeyahay oo Soo Ridday Drone Iran Laga Leeyahay

Afhayeen u hadlay CENTCOM, Kabtan Tim Hawkins, ayaa sheegay in drone-ku uu ku…

  • Caalamka

    03-02-2026

  • 06:33PM