Maxkamad ku taalla Yahuuda oo soo saartey amar la xiriira Gaza

Image
Amarkan ayaa waxa uu soo afjarayaa go'aan lagu cadaadinayo maamulka Israa'iil.

ANKARA, Turkey - Maxkamada shaqada ee Israel ayaa amartay in la joojiyo shaqo joojin ay ku baaqeen ururka ugu weyn dalkaasi si ay u taageeraan heshiiska lagu sii dayn lahaa la haystayaasha Yahuuda ee lagu haysto Gaza.

"Waxaan soo saareynaa amar dalka oo dhan ah oo aan ku mamnuuceyno shaqo joojinta la bilaabay, anagoo cadeynayna in shaqo joojinta ay tahay in la joojiyo maanta" si deg deg ah, maxkamada shaqaalaha Tel Aviv ayaa ku sheegtay go'aankeeda.

Go’aanka maxkamada ayaa yimid kadib markii wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich – oo ah hogaamiyaha midigta fog ee kasoo horjeeda xabad joojinta dagaalka – uu ugu baaqay maxkamada inay u dhaqaaqdo joojinta shaqo joojinta.

Maxkamaddu waxay tilmaantay hadal uu guddoomiyaha ururka Histadrut ku sheegay in shaqo joojinta lagu sameeyay aan loo yeerin sababo dhaqaale.

"Ma istaagi karno inta caruurteena lagu dilayo tunnel-ka Gaza," gudoomiyaha ururka Arnon Bar-David ayaa yiri si uu u sharaxo baahida shaqo joojinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Cirka Mareykanka oo 50 saacadood ku badbaaday gudaha Iran

Bravo” iyo duuliyihii diyaaradda, oo loogu yeeray magaca howlgalka “Alpha”, ayaa ka booday diyaaradda kadib markii la haleelay.

  • Caalamka

    14-09-2026

  • 09:01AM

Philippines: Gobolka Muslimiintu u badan yihiin ee Bangsamoro oo markii ugu horreysay u codeynaya Baarlamaan

Baarlamaanka cusub ayaa marka uu dhismo dooran doona Ra’iisul Wasaaraha ama Chief Minister-ka Bangsamoro.

  • Caalamka

    14-09-2026

  • 07:01AM