Maxkamad ku taalla Yahuuda oo soo saartey amar la xiriira Gaza

Image
Amarkan ayaa waxa uu soo afjarayaa go'aan lagu cadaadinayo maamulka Israa'iil.

ANKARA, Turkey - Maxkamada shaqada ee Israel ayaa amartay in la joojiyo shaqo joojin ay ku baaqeen ururka ugu weyn dalkaasi si ay u taageeraan heshiiska lagu sii dayn lahaa la haystayaasha Yahuuda ee lagu haysto Gaza.

"Waxaan soo saareynaa amar dalka oo dhan ah oo aan ku mamnuuceyno shaqo joojinta la bilaabay, anagoo cadeynayna in shaqo joojinta ay tahay in la joojiyo maanta" si deg deg ah, maxkamada shaqaalaha Tel Aviv ayaa ku sheegtay go'aankeeda.

Go’aanka maxkamada ayaa yimid kadib markii wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich – oo ah hogaamiyaha midigta fog ee kasoo horjeeda xabad joojinta dagaalka – uu ugu baaqay maxkamada inay u dhaqaaqdo joojinta shaqo joojinta.

Maxkamaddu waxay tilmaantay hadal uu guddoomiyaha ururka Histadrut ku sheegay in shaqo joojinta lagu sameeyay aan loo yeerin sababo dhaqaale.

"Ma istaagi karno inta caruurteena lagu dilayo tunnel-ka Gaza," gudoomiyaha ururka Arnon Bar-David ayaa yiri si uu u sharaxo baahida shaqo joojinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM

Bariga Quddus: Weerar lagu qaadey Bus ay Israa'iiliyiin la socdeen

Israel ayaa ku dhawaad 2 sano xasuuq kawada magaaladda Gaza, iyado dishay in ka badan 60,000 oo shacab ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 09:26AM