Maxkamad laashay sharci halis ah oo uu soo saarey Donald Trump

Image
Sharcigan ayuu madaxwaynihii hore ee Mareykanka kasoo xigtay xeer la ansixiyay sanadkii 1944-tii.

WASHINGTON, USA - Maxkamadda rafcaanka Maraykanka ayaa diidey in ay waqtiga usii dheereyso sharci muran badan dhaliyay oo lagu tarxiilayay muhaajiriinta Maraykanka soo gala, kaas oo uu horey u meelmariyay madaxweynihii hore Donald Trump.

Sharcigan ayaa lagu magacaabaa Title 42, wuxuuna dhigayaa in si degdeg ah loo tarxiili karo qofkii soogalooti ah oo ka yimid dal mar dhow lagu sheegey mid kamid ah cudurada faafa, sida Karoonaha, xitaa ka hor inta aanan la eegin kiiskiisa magangalyo doonimada.

Sharcigan oo sii jirey markii uu xukunka yimid Joe Biden ayuu waqtigiisa dhacayaa 21-da bishan Diseembar, waxaana jirtay in 19 gobol oo ka tirsan Maraykanka ay gudbiyeen dacwad ah in waqtiga loo dheereeyo sharcigan. Goboladan ayaa dhammaantood waxaa maamula xisbiga Jamhuuriga.

Hase yeeshee seddex garsoore oo fadhiya maxkamadda rafcaanka ee D.C Circuit Court ayaa ganafka ku dhuftay codsigan, waxana ay sheegeen in sharciga uu dhacayo waqtigii loogu talogalay, waa haddii aanan arji kale oo rafcaan ah aanan lasoo diiwaan-galinin maalmaha ka dhiman.

Sharcigan ayuu Trump kasoo xigtay xeer la ansixiyay sanadkii 1944-tii, kaas oo loogu talogalay in lagu xakameeyo waxyaabaha dhibaatada ku ah caafimaadka dadweynaha, haseyeeshee Trump uu uga dan lahaa in uu isku hortaago qulqulka dadka soo galootiga ah.

Inkasta oo uu xeerkani Title 42 si isku mid ah u quseeyo dhammaan jinsiyadaha kala duwan, haddane waxa uu si gaar ah saameyn ugu yeeshey dadyoowga ka yimaada Haiti, Hondurus, Venezuela iyo kuwa kale.

Sharciga wuxuu dhigayaa in haddii qofka uu ka galo Maraykanka meel aanan ahayn goobaha loo cayimay durbadiiba lagu celinayo dalkii ugu dambeeyay ee uu kasoo galay Maraykanka.

Haddii ay dalkaasi uu diido, waxaa si dhaqsiyo ah loogu celiyaa dalkii asal ahaan uu ka yimid, taas oo keentay in dad badan loo tarxiilay dalalkii ay ka yimaadeen. Dadka dhaleeceeyay sharcigan waxay ku sifeeyeen mid lagu beegsanayo bulsho gaar ah iyo takoornimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM