Maxkamadda ICC oo joojisey baarista dambiyadii dagaalka ee Darfur

Image
Image
Image
Image
Image

December 13, 2014 (GO)- Dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee ICC ayaa sheegtay inay joojisey baaritankii lagu waday dambiyadii dagaalka ee laga geystey gobolka Darfur ee dalka Sudan.

Fatou Bensouda ayaa sababta ay go'aankan isaga ah u qaadatay waxay ku micneysey kadib markii kiisaska Darfur taageero ku filan looga waayey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Bensouda ayaa sidoo kale sheegtay in aamusnaanta Golaha Ammaanku dhiirigelin u noqon doonto dembiileyaasha islamarkaana boqolllaal dumar ah oo la faraxumeeyey xuquuqdooda sharciga ah heli doonin.

Sanadkii 2009, ICC-du waxay dembiyo dagaal kusoo eedeysey Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir, inkastoo uu diidey inuu maxkamadda kasoo hor muuqdo.

Go'aanka lagu joojiyey baarista dembiyadii dagaalka ee laga geystey Darfur wuxuu kusoo aadayaa asbuuc kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ay laashay dacwadihii loo haystey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM

Go’aanka Trump oo Laga Digay inuu Keeni Karo Khasaaro Ba’an

Saameynta ugu weyn ayaa la arkay cudurrada la iska hortegi karo sida HIV/AIDS oo dhimashadiisu hoos ugu dhacday 74%.

  • Caalamka

    01-07-2025

  • 05:21PM