Mexico: Ameerikaan la afduubtey oo meydadkooda la helay

Image
Labadan ruux ayaa kamid ahaa afar qof oo ay qafaasheen kooxo burcad ah oo wali aan la aqoonsan.

WASHINGTON, United States of America - Labo ka mid ah afar qof oo Mareykan ah oo Jimcihii ay dabley hubeysan ku qafaasheen magaalada xuduudka Mexico ee Matamoros ayaa meydkooda la helay, labada kalana waxaa la helay iyagoo nool Talaadadii, sidda ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee dalalka Mareykanka iyo Mexico.

Shaeed Woodard iyo Zindell Brown ayaa meydkooda la helay, sida uu telefishinka caalamiga ah ee CNN uu kasoo xigtey sarkaal Mareykan ah oo la socda baaritaanka socda.

"Meydkooda waxaa baaraya mas'uuliyiinta Mexico ka hor inta aan meydkooda loo wareejin dowladda Mareykanka," ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalka oo magaciisa aan la shaacin.

Sidda laga soo xigtey warbixinta, Latavia Washington McGee, oo ah hooyo dhashay lix caruur ah iyo Eric Williams ayay kala yihiin labada ruux ee ka badbaaday dhibaatadan.

"Waxaa loo qaaday cisbitaal ku yaal Texas si loogu daweeyo iyo in loo eego," ayuu ku daray. Sarkaal ka tirsan dowladda Mexico ayaa sheegay in Washington McGee la helay iyadoo dhaawac ah.

Williams ayaa laba jeer laga toogtay hal lug, sidda ay xaaskiisa, Michele Williams, u sheegtay CNN. "Xaaladiisu way wanaagsan tahay illaa haatan, laakiin, ma naqaano waxa xiga ee dhici kara," ayay ku dartey.

Afduubkan ayaa mar kale waxa uu toosh ku ifinaayaa rabshadaha aafeeyay qaar ka mid ah magaalooyinka Mexico oo ka dhashay dagaalka ay dowladda kula jirto mukhaadaraadka.

Matamoros waxaa ku nool dad ka badan 500,000 oo qof waxayna ku taal meel u dhow Rio Grande ee Brownsville, Texas. Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay la-talinta "Heerka 4: Ha Safrin" muwaadiniinta Mareykanka ee ku fakaraya inay Tamaulipas tagaan, iyadoo soo xiganeysa dambiyadda iyo qafaalashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM