Mexico oo diiday in ciidamo Maraykan ah lagu daabulo dalkaas

Image
Laamaha amaanka Mexico ayaa sheegay in ay xireen 5 qof oo ku eedeysan dilka iyo afduubka muwaadiniinta Maraykanka ah.

WASHINGTON, United States - Xoghayihii hore ee cadaalada Maraykanka, ayaa todobaadkii hore qoraal uu ku daabacay wargeyska Wall Street Journal waxa uu is bar-bar dhig ku sameeyay wax uu ugu yeeray "Argigixasada daroogadda'' oo ugu yeeray kooxaha ka jira dalka Mexico iyo ISIS.

William Barr ayaa taageeray soo jeedinta xubno ka tirsanaa mudanayaal Aqalka Congresska ee Jamhuuriga taasoo ahayd in loo ogolaado madaxweynaha Maraykanka in uu ciidamo geliyo Mexico.

Wasiirka arimaha dibada dalka Mexico, Marcelo Ebrard, ayaa si wayn u dhaleeceeyay hadalka kasoo yeeray Barr kaasi oo soo jeediyay in uu Maraykanku ciidamadiisa geliyo Mexico "si meesha looga saaro kooxaha daroogada ka ganacsada".

Marcelo Ebrard ayaa dhanka ku bogaadiyay in ay muhiim tahay iskaashiga labada dal balse waxaa uu meesha ka saaray "in lagu tunto madax banaanida dalkiisa".

Isaga oo sii hadlaya, William Barr ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay: "Hadalkiisu waxaa uu sii abuurayaa dhibaato intaas ka badan wuxuuna keenayaa iska horkeen".

Baaqa ku saabsan in Maraykanka uu faro-geliyo ciidan ahaan Mexico ayaa korortay tan iyo markii labo muwaadiniin oo Maraykan ah la dilay labo kalena la afduubtay gobalka Tamaulipas ee dalka Mexico kaasi oo dhaca xuduudka Maraykanka iyada oo falkaasi lagu eedeeyay kooxaha daroogada ee abaabulan.

Madaxweynaha dalka Mexico, Andrés Obrador, ayaa dhankiisa ku tilmaamay in Maraykanku uu dalkiisa soo faro-geliyo "doqonimo iyo ilaalin la'aanta madax banaanida dalkeenna".

Laamaha amaanka Mexico ayaa sheegay in ay xireen 5 qof oo ku eedeysan dilka iyo afduubka muwaadiniinta Maraykanka ah kuwaasi oo dooni yar uga soo talaabay dhanka gobalka North Carolina kahor inta aan la khaarijin, sidda ay xaqiijisay warbaahinta maxaliga ah ee kasoo baxda Ameerika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM