Mexico oo qabatay 129 muhaajiriin laga soo buuxiyay gaari xamuul ah

Image
In ka badan 2,100 muhaajiriin ah ayaa lagu waramay in lagu afduubay gudaha Mexico sanadkii hore.

WASHINGTON, United States - Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Mexico ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 129 muhaajiriin ah oo laga soo buuxiyay dhabarka dambe ee gaari xamuul ah, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

"Muhaajiriintan oo ka kala yimid Guatemala, Honduras, El Salvador iyo India" ayaa laga helay habeenimadii Jimcaha gobolka Veracruz ee bariga dalkaasi, sidda uu sheegay machadka socdaalka Mexico.

Dalka Mexico ayaa waxaa ka jira kuleyl sababay dhimashada ugu yaraan 8 ruux. Baabuurka xamuulka ah oo ay ka buuxaan dad tahriibayaal ah ayaa laga helay magaalada Sayula de Aleman.

Aleman ayaa la saadaaliyey in heerkulku uu hoos u dhacay 44 darajo Celsius (111 darajo Fahrenheit) Axaddii todobaadkan, siddda ay sheegtay hay’adda saadaasha hawada ee qaranka.

Machadka socdaalka Mexico oo war-saxaafadeed rasmi ah soo saarey ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in 51 muhaajiriin ah oo ka yimid Guatemala lagu celiyay waddankooda.

"19 kale oo aan qaangaarin oo ka yimid Guatemala iyo Honduras ayaa loo wareejiyay hoy gaar ah inta soo hartayna waxaa loo wareejiyay xarun socdaalka," ayuu raaciyey machadka.

Kumanaan muhaajiriin ah, qaar badan oo ka soo cararay faqriga iyo rabshadaha dalalkooda, ayaa maalin walba ka gudba Mexico iyagoo rajeynaya inay gaaraan Mareykanka.

Inta ay jidka ku jiraan waxay inta badan dhibanayaal u noqdaan kooxo dambiilayaal ah oo abaabulan ama kuwa dadka tahriibiya. In ka badan 2,100 muhaajiriin ah ayaa lagu afduubay dalka Mexico sanadkii hore, sida uu sheegay machadka socdaalka ee qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM