Meydadka 13 tahriibayaal oo laga helay xeebaha Tunisia

Image
Muhaajiriintan ayaa dhamaantood ka yimid waddamada Saxaraha ka hooseeya.

TUNIS, Tunisia - Masuuliyiinta waddanka Tunisia ayaa Sabtidii soo saaray meydadka 13 tahriibayaal ah oo ay ka mid yihiin lix haween ah iyo lix caruur ah, kadib markii doomihii ay la socdeen ay la dagtay iyagoo isku dayayay inay u gudbaan badda halista badan ee Talyaaniga.

Muhaajiriintan ayaa dhamaantood ka yimid waddamada Saxaraha ka hooseeya, waxaana ay la socdeen labo doomood, sida uu sheegay Mourad Turki, afhayeenka maxkamada ku taal magaalada Sfax ee ku taal badda Mediterranean-ka.

Samatabixiyeyaasha ayaa 37 muhaajiriin ah kasoo saaray biyaha Jimcihii iyo sabtidii laakiin tobannaan kale ayaa weli aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin, sida Mourad uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Tunisia iyo dalka ay deriska yihiin ee Liibiya ayaa ah meelaha muhiimka ah ee ay ka dhoofaan muhaajiriinta doonaya inay gaaraan xeebaha Yurub, kuwaas oo inta badan raaca maraakiib ama doomo aan u qalmin socdaalka badda.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa ku qiyaasay in ka badan 18,000 oo muhaajiriin ah ay dhinteen ama la waayay iyagoo isku dayaya in ay u gudbaan xeebaha Yurub tan iyo 2014-kii


Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 1,300 oo muhaajiriin ah ay ku qaraqmeen ama lagu waayey bartamaha badda Mediterranean-ka sanadkii 2021-kii, taasoo ka dhigtay marinka ugu dhimashada badan ee tahriibayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 06:44PM

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM