Meydka nin Soomali ah oo laga helay duleedka St. Cloud

Image

Sept 23, 2014 (GO)- Meydka nin Soomaali ah oo ku dhex gubtey gaari uu watey ayaa laga helay meel saddex saac u jirta magaalada St. Cloud oo ku taal gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Ninka geeriyoodey oo lagu magacaabi jirey Axmed Faarax, waxaa la waayey Sabtidii lasoo dhaafay kadib markii uu xaaskiisa u sheegay inuu magaalada dibadda uga bixi doono si uu usoo hawo gedisto.

Booliska ayaa gelinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd helay medka Axmed Faarax oo ku dhex gubtay gaarigii uu ku safrayey. Faah faahin kama bixin boolisku sababta keentay geerida waxayse sheegeen inay weli baaritaan wadaan.

Qaar kamid ah ehelada ninkan oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyey uu ka sheeganayey xanuun dhabarka ka hayey iyo wareer.

Magaalada St. Cloud oo kamid ah magaalooyinka ugu dadka badan gobolka Minnesota waxaa ku nool kumannaan qof oo Soomaali ah.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM