Meydka Sadaam Xuseen oo "la tuuray" kadib markii la khaarijiyey

Image
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Ciraaq ayaa soo bandhigay macluumaad cusub oo qabsatay warbaahinta caalamka.

DOOXA, Qadar - Ra'iisul Wasaarhii hore ee Ciraaq, Mustafa al-Kadhimi, ayaa sheegay in meydka madaxweynihii la afgembiyey ee dalaas, Saddam Hussein, “lagu tuuray” meel u dhow guriga wasiirkii koowaad ee Baqdaad kadib markii la daldalay 2006-dii.

Al-Kadhimi oo u waramay Asharq Al-Awsat ayaa tibaaxay in maydka Saddaam looga tagay meel u dhaxaysa gurigiisa iyo kan Nuuri Al-Maaliki, oo wakhtigaas ahaa Ra’iisal Wasaare, oo ku yaalla Aaga Cagaaran ee Baqdaad.

Hadaladan ayaa yimid kadib markii al-Kadhimi la waydiiyay inta jeer ee uu arkay Saddam, isaga oo tibaaxay inuu markii ugu horeysay ku arkay dhageysiga maxkamada markii labaadna ay ahayd goortii la dilay.

"Waan diiday falkaas [in meydkiisa lagu tuuray gurigiisa agtiisa], laakiin waxaan arkay koox ilaalo ah, waxaana ka codsaday inay ka fogaadaan maydka anigoo ixtiraamaya kuwa dhintay," ayuu Al-Kadhimi ku sheegay waraysiga.

Wuxuu raaciyey: "Haa, waxaa la keenay [meydka Saddaam] bannaanka guriga al-Maliki oo amray in lagu wareejiyo mid ka mid ah sheekhyada qabiilka al-Nada, qabiilka Saddam Hussein, sidaas darteedna waxaa laga qaadey aagga cagaaran".

Sannadkii 2003-dii, ciidamada isbahaysiga ee Maraykanku hogaaminayo ayaa afgambiyay taliskii Saddam, iyaga oo ku andacoonaya in madaxweynaha Ciraaq uu haystay hubka wax gumaada iyo in uu xiriir la lahaa Al-Qaacida.

"[Saddaam] waxaa lagu aasay Tikrit. Ka dib 2012, markii [aagga] ay la wareegeen ISIS (ISIL), meydka ayaa loo wareejiyay meel qarsoodi ah oo aan cidina garanayn ilaa maanta. Xabaalaha caruurtiisana ayaa sidoo kale dib loo faagay," ayuu xusay.

Kahor inta uusan noqon ra'iisul wasaare laga bilaabo Maajo 2020 ilaa Oktoobar 2022, Al-Kadhimi wuxuu soo noqday agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Qaranka Ciraaq, isaga oo caan ku ahaa mucaaradnimada mayal-adag ee ka dhanka ahayd Saddam.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM