Meydkii loo gurman waayay ee Mootada lagu geeyay Isbitaalka

Image
Dhacdadaan ayaa laga soo wariyey gobolka caanka ah ee Madhya Pradesh ee dalka Hindiya.

NEW DELHI, Hindiya - Muwaadin u dhashay Hindiya ayaa gabadhiisa oo xanuunsanaysay u wacay isbitaalka iyada oo loo sheegay in aan loosoo diri karin Ambulance maadaama oo uu ka fog yahay.

Gabadhiisa yar oo da'deeda lagu sheegay 13-sano jir ayaa ku geeriyootay dhexda inta uu kusoo waday Mootada isaga oo meydkeeda keenay isla isbitaalkii.

Laxman Singh ayaa sheegay in maamulka isbitaalku ay u sheegeen in uu ka fog yahay 20 KM isla markaana aysan u dirin Ambulance-gooda in ka badan 15 KM.

Dhacdadaan oo laga soo wariyey gobolka caanka ah ee Madhya Pradesh ee dalka Hindiya ayaa caro ka dhalisay baraha bulshada iyada oo si wayn loo wareejiyay.

Shacabka ka falceliyey dhacdadan ayaa si weyn u canaantey maamulka isbitaalka, waxaana ay cod dheer ku dalbadeen in cadaaladda la marsiiyo "manaxayaasha u gurman waayay dhibanaha".

Laamaha gobalka ayaa sheegay in ay baaritaan ku bilaabeen dhacdada isla markaana la hubinayo haddii ay ka dhalan karto raad-raac sharciyeed iyo in la maxkamadeeyo kuwa ku lugta leh.

Hindiya ayaa kamid ah dalalka ay adeegyadda caafimaadka si siman u helin dadweynaha ku nool degaanada miyiga, waxaana la aaminsan yahay in tani ay sabab u noqotey dhimashadda dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo Sacuudiga la gashay Heshiis Difaac oo cabsi-geliyay India

Laakiin dagaalka Gaza ayaa wax walba is beddelay, halkaas oo Qatar, oo ah dal Khaliiji ah, lagu beegsaday laba jeer sannad gudihiis.

  • Caalamka

    18-09-2025

  • 06:54AM

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM