Mid kamid ah bilyineerada aadka ugu dhow Trump oo la xiray

Image
Thomas Barrack ayaa lagu eedeeyay in uu si qarsoodi ah ugu ololeeyay dowlada Imaaraadka Carabta. [File photo: AP]

NEW YORK, USA - Bilyaneer ay muddo dheerna soo wada shaqeeyey Donald Trump oo ah Thomas J Barrack ayaa lagu xirey magaalada Los Angels kadib markii lagu eedeeyey inuu wakiil ka yahay dowlad shisheeye, sida ay warisay warbaahinta Ameerikaanka ah.

74-jirkan aasaasey shirkad ka shaqeysa arrimaha maalgashi wuxuu la-taliye muhiim ah u ahaa ololihii madaxweynihii hore ee Mareykanka 2016, waxaana loo tixgeliyey inuu yahay lacag-ururiye sare.

Mr Barrack oo madax ka ahaa guddiga qaban-qaabada caleema-saarkii 2016-kii ee Trump waxaa lagu eedeeyay inuu si sharci daro ah ugu ololeeyay magaca Imaaraadka Carabta xiligii ololaha iyo kadib.

Afhayeen u hadlay Mr Barrack ayaa daaha ka rogay inuu qorsheynayo inuu qirto dambiga. Waa sarkaalkii ugu dambeeyay ee Trump ee wajaha dacwadaha federaalka.

Mr Barrack waxaa loo haystaa shirqool, carqaladeynta cadaalada iyo hadalo been abuur ah oo fara badan oo uu u gudbiyay FBI-da intii lagu guda jiray wareysiga laga qaadey sanadkii 2019.

Sidoo kale waxaa dacwada lagu soo oogay Matthew Grimes, 27 - oo u shaqeeya Mr Barrack - iyo muwaadin u dhashay Imaaraadka Rashid Sultan Rashid Al Malik Alshahhi, oo 43 jir ah, sida ku xusan dacwada lagu soo oogay oo ka kooban 7 bog.

Ku-simaha kaaliyaha xeer ilaaliyaha guud Mark Lesko ayaa tibaaxay in anshaxa lagu soo oogay dacwadda "aysan waxba ka gaarin khiyaano" saraakiisha Mareykanka oo uu ku jiro Mr Trump qudhiisa.

Saddexda nin ayaa lagu eedeeyay inay doonayeen inay horumariyaan danaha dowladda Imaaraatka iyagoo labaduba saameyn ku yeeshay saraakiisha Trump iyo waliba muuqaalada warbaahinta.

Bishii May ee sanadkii 2016 Mr Barrack ayaa la sheegay inuu soo geliyay luuqad uu ku amaanayo Imaaraadka khudbaddii ololaha Trump. Qoraal hordhac ah oo khuseeya khudbadda ayaa la sheegay in loo diray Mr Alshahhi si uu ugu sii gudbiyo saraakiisha Imaaraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM