Midowga Afrika muxuu ka yiri weerarka Xamaas ku qaaday Israa'iil?

Image

ADDIS ABABA - Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa ugu baaqay Xamaas iyo Israa'iil inay joojiyaan colaadda, ayna dib u bilaabaan wadahadallada ku saabsan hirgelinta "mabda'a laba waddan."

Moussa Faki Mahamat, madaxa Midowga Afrika, ayaa ku booriyay labada dhinac inay "ku soo laabtaan miiska wada xaajoodka si shuruud la'aan ah.

Madaxa Ururka Midowga Afrika ayaa ku sheegay bartiisa ‘X’: “Diidmada xuquuqaha aasaasiga ah ee dadka reer Falastiin, gaar ahaan inay yeeshaan dal madax-bannaan ayaa ah sababta ugu weyn ee hurisa xiisadda joogtada ah ee Israel iyo Falastiin.”

Masar ayaa dhankeedii ku baaqday in la is xakameeyo si looga fogaado dhiig kale oo daata. Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada rabshadaha ay horseedi karto cawaaqib xumo oo saameyn doonta mustaqbalka dadaallada xabbad joojinta.

Qaahira waxay ku boorisay dhinacyada is haya inay dib u bilaabaan nabadaynta, waxayna ugu baaqday Israa'iil inay joojiyaan falalka daandaansiga ah ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee Nigeria Yuusuf Tuggar ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda, isla markaana ay xabadda joojiyaan dhinacyada dagaallamaya.

Waaxda Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale ku tiri bayaan la daabacay: “Dhibaatada cusub waxay ka dhalatay qabsashada sharci darrada ah ee dhulka Falastiin"

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Aljeeriya ayaa bayaankeeda ku cambaaraysay Israa'iil iyo duqeymaha cirka ee arxan darada ah ee ku hayaan" Gaza oo ay bilaabeen weerarka ka dib weerarka Xamaas, iyada oo ku tilmaantay "xadgudub cad oo ka dhan ah sharciyada caalamiga ah."

Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Korir Sing’Oei, oo ah ayaa cambaareeyay weerarka Xamaas, isaga oo ku qoray bartiisa ‘X’: “Waxaan cambaareeneena weerarkan foosha xun. Iyadoo Israa'iil ay xaq u leedahay inay ka aargoosato,”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM