Midowga Afrika muxuu ka yiri weerarka Xamaas ku qaaday Israa'iil?

Image

ADDIS ABABA - Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa ugu baaqay Xamaas iyo Israa'iil inay joojiyaan colaadda, ayna dib u bilaabaan wadahadallada ku saabsan hirgelinta "mabda'a laba waddan."

Moussa Faki Mahamat, madaxa Midowga Afrika, ayaa ku booriyay labada dhinac inay "ku soo laabtaan miiska wada xaajoodka si shuruud la'aan ah.

Madaxa Ururka Midowga Afrika ayaa ku sheegay bartiisa ‘X’: “Diidmada xuquuqaha aasaasiga ah ee dadka reer Falastiin, gaar ahaan inay yeeshaan dal madax-bannaan ayaa ah sababta ugu weyn ee hurisa xiisadda joogtada ah ee Israel iyo Falastiin.”

Masar ayaa dhankeedii ku baaqday in la is xakameeyo si looga fogaado dhiig kale oo daata. Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada rabshadaha ay horseedi karto cawaaqib xumo oo saameyn doonta mustaqbalka dadaallada xabbad joojinta.

Qaahira waxay ku boorisay dhinacyada is haya inay dib u bilaabaan nabadaynta, waxayna ugu baaqday Israa'iil inay joojiyaan falalka daandaansiga ah ee ka dhanka ah dadka Falastiiniyiinta.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee Nigeria Yuusuf Tuggar ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda, isla markaana ay xabadda joojiyaan dhinacyada dagaallamaya.

Waaxda Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga ee dalka Koonfur Afrika ayaa sidoo kale ku tiri bayaan la daabacay: “Dhibaatada cusub waxay ka dhalatay qabsashada sharci darrada ah ee dhulka Falastiin"

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Aljeeriya ayaa bayaankeeda ku cambaaraysay Israa'iil iyo duqeymaha cirka ee arxan darada ah ee ku hayaan" Gaza oo ay bilaabeen weerarka ka dib weerarka Xamaas, iyada oo ku tilmaantay "xadgudub cad oo ka dhan ah sharciyada caalamiga ah."

Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Korir Sing’Oei, oo ah ayaa cambaareeyay weerarka Xamaas, isaga oo ku qoray bartiisa ‘X’: “Waxaan cambaareeneena weerarkan foosha xun. Iyadoo Israa'iil ay xaq u leedahay inay ka aargoosato,”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM