Midowga Afrika oo hakiyey dooda aqoonsiga Israa'iil

Image
Koonfur Afrika iyo Aljeeriya ayaa hormuud u noqdey ololaha ka dhanka ah qadiyaddan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ururka Midowga Afrika ayaa cambaareeyay "mowjadaha" afgambiga militari ee dhawaan dhacay kaasoo lagu arkay tiro aan horay loo arag oo ka tirsan dalalka xubnaha ka ah ururka, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika Axadda maanta ah, oo ahayd maalintii ugu dambeysay ee shir madaxeedka sannadlaha ah.

Qodobbadani waxay ka mid ahaayeen arrimaha ugu waaweyn ee la filayay in lagaga wadahadlo shir madaxeedka, iyadoo ay weheliso xiriirka Midowga Afrika ee Israa'iil iyo jawaabta uu ka bixinayo dagaalka ka socda waqooyiga dalka martida loo yahay ee Itoobiya.

Wax ka yar laba toddobaad ka hor inta uusan shirku bilaaban Sabtidii, Burkina Faso ayaa noqotay waddankii afraad ee Midowga Afrika uu hakiyo xubinimadiisa, ka dib markii askar gadoodey ay afgambiyeen Madaxweyne Roch Marc Christian Kabore.

Guinea, Mali iyo Sudan ayaa sidoo kale waxay ku jiraan liiska wadamadda xubinimadooda la hakiyey sababo ku aadan in ay talada waddanka la wareegeen ciidamo ayna kala direen hay'adihii dastuuriga ahaa.

Sidoo kale, hogaamiyayaasha ayaa isku raacay in la hakiyo dooda ku saabsan go'aanka muranka dhaliyay ee guddoomiyaha guddiga AU-da Muuse Faki uu ku aqbalay aqoonsiga Israa'iil si looga fogaado kala qeybsanaan.

Tallaabada Faki ee bishii July ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka soo horjeestay xubno awood badan oo ay ku jiraan Koonfur Afrika iyo Aljeeriya kuwaas oo ku dooday in ay meel ka dhac ku tahay taageerada Midowga Afrika ee dhulka Falastiin.

Labadan dal waxay dabada ka riixayeen in arrinta lagu soo daro ajandaha shirka. Markii shirku furmay Sabtidii, Faki waxa uu difaacay aqoonsiga Israel, isagoo sheegay in ay noqon karto "talaabo u adeegaysa nabadda" wuxuuna ku baaqay "dood deggan". Natiijada hadda soo baxdey waxay dharbaaxo ku tahay Yahuuda oo si weyn ugu ololeysay qadiyadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM