Miisaaniyada Maraykanka oo aan la Ansixin

Image

WASHINGTON - Golaha sharci dajinta Maraykanka ee Congresska ayaa meel mariyay xeer kumeel gaar ah kaasi oo lagu bixinayo adeegyada dowlada 45 cisho.

Xeerkaan oo loo gudbin doono golaha Senate-ka ee ay isagana xubnaha Dimuqraadiyiintu ku badan yihiin ayaa hadii ay ansixiyaan loo gudbin doonaa madaxweyne Biden si uu u saxiixo loona bixiyo kharashaadka shaqaalaha inta laga ansixinayo Miisaaniyadda.

Miisaaniyadda Maraykanka ayaa ay si wayn ugu kala aragti duwan yihiin xubnaha Dimuqraadiga iyo Jamhuuriyiinta iyada oo la filayo in uusan kala istaag shaqada xukuumadu dhicin.

Tan ayaa noqonaysa shaqo istaagii 22 aad ee xukuumadda Maraykanka muddo 50 sano gudahood ah, midkii 4 aad toban sano gudahood iyo kii ugu horeeyay ee xilliga Biden.

Hay'addaha muhiimka ah sida Ciidamada, Garsoorka iyo shaqaalaha qaybtood ayaan shaqada ka bixi doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM