Milyineer xabsi daa'in loogu xukumay "dilka" saaxiibadiis

Image
Robert Durst oo aan fursad u heli doonin cafis sharafeed ayaa la sheegay in uu falkan geystay sanadkii 2000.

WASHINGTON, USA - Maalqabeenka reer Mareykan Robert Durst oo kasoo muuqdey taxanaha dokumentiga dambiyada HBO The Jinx ayaa lagu xukumay xabsi daa'in kadib markii uu "dilay haweenay ay saaxiibo ahaayeen".

Durst oo dukumiintiga ku qiranaya dilka ayaa waxaa lagu helay dambi ah in uu dilay Susan Berman sannadkii 2000 "si uu u joojiyo in ay booliska kala hadasho maqnaanshaha xaaskiisa".

Berman oo 55-sano jir ahayd ayaa laga helay meydkeeda iyadda oo madaxa oo laga toogtay hoyga ay ka daganeyd magaalada Beverly Hills ee gobolka California. Booliisku waxay aaminsan yihiin inuu sidoo kale dilay laba kale.

Dacwad-oogayaasha ayaa rumeysan in Durst oo 78 jir ah kana soo muuqday maxkamadda Los Angeles si loo xukumo uu la nool yahay "dhibaato dhanka maskaxda ah". Durst wuu dafiray inuu dilay saaxiibadiisa.

Xukunka dilka darajada koowaad wuxuu meesha ka saarayaa suurtagalnimada sii-dayn sharafeed, taasoo la micno ah inuu hadda aad ugu dhow yahay inuu xabsiga ku dhinto.

Dambigu wuxuu leeyahay duruufo gaar ah, sidda ay go'aamisay, oo intaas kusii dartey in ay ku jirto in laga been sheego falka dilka ah, iyo khaarijinta markhaatiga.

Qareenada Durst oo kasoo muuqdey warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay garsooraha u sheegeen Khamiistii inuu damacsan yahay inuu racfaan ka qaato xukunkiisa.

Durst laftiisu wuxuu la hadlay xaakimka go'aanka ku dhawaaqay hal mar oo kaliya si uu ugu jawaabo “haa” markii la weydiiyey inuu ka tanaasulayo xaqa uu u leeyahay inuu ka soo muuqdo dhegeysi mustaqbalka laga yeesho kiiskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM