Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Image

TEHRAN – Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa ku baaqay midnimo qaran, isaga oo sheegay in cadawga dalka ay hadda isku dayayaan inay wiiqaan awoodda shacabka isla markaana ay abuuraan kala qaybsanaan gudaha ah kadib markii ay ku guuldareysteen dadaallo kale oo ay ku doonayeen inay cadaadis ku saaraan Tehran.

Khudbad uu u jeediyay shacabka, Khamenei ayaa sheegay in guulaha ay Iiraan ka gaartay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo danaha qaranka ay keeneen in quwadaha shisheeye ay beddelaan xeeladahooda, iyagoo sida uu sheegay hadda xoogga saaraya dagaal nafsi ah iyo isku dayo lagu hurinayo qalalaase gudaha ah.

“Markii ay cadawgu ku fashilmeen goobihii ay ku doonayeen inay cadaadis ku saaraan dalka, waxay hadda isku dayayaan inay shacabka kala fogeeyaan oo ay wiiqaan isku duubnidooda,” ayuu yiri.

Hoggaamiyaha Sare ayaa ku boorriyay shacabka Iiraan inay ilaashadaan wadajirka qaranka, isaga oo sheegay in midnimada iyo adkaysiga bulshada ay yihiin hubka ugu weyn ee looga hortagi karo cadaadis kasta oo dibadda ka yimaada.

“Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan. Hase yeeshee, midnimada iyo adkaysiga ummadda Iiraan ayaa fashilin doona qorshe kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadallada Khamenei ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha u dhexeeya Iiraan iyo qaar ka mid ah quwadaha reer galbeedka, iyadoo mas’uuliyiinta Tehran ay marar badan ku eedeeyeen dalal shisheeye inay isku dayayaan inay saameyn ku yeeshaan xaaladda gudaha ee dalka.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa si joogto ah ugu baaqa shacabka inay muujiyaan isku duubni iyo feejignaan ay kaga hortagayaan waxa ay ku tilmaamaan isku dayo lagu carqaladeynayo xasilloonida iyo amniga qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo markii ugu horreysay muddo bilo ah weerartay Sacuudiga

Sacuudi Carabiya ayaa digniin amni ka soo saartay khatar ka jirta Al-Kharj, oo qiyaastii 85 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan Riyadh.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:46PM

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga u gudbiyay dalab la xiriira amniga Soomaaliya

Mooshinka ayaa tilmaamay in inkasta oo ciidamada ammaanka Soomaaliya ay haystaan shaqaale iyo qalab ku filan.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:31PM