Moldova oo ceyrisay diblumaasi u dhashay waddanka Ruushka

Image
Wasiirka arrimaha dibadda ee Moldovan ayaa Arbacadii ku dhawaaqay go'aankan.

MOSCOW, Russia - Wasiirka arrimaha dibadda ee Moldovan ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ay dalkaas ka eryeen diblumaasi sarre oo u dhashay Ruushka, sidda ay ku dhawaaqdey saxaafadda.

"Waxaan go'aansanay in aan dalkeenna ka saarno shaqaale ka tirsanaa safaaradda Ruushka," ayuu wasiir Filip Cojocaru ugu sheegay suxufiyiinta magaala madaxda Chișinău.

Cojocaru oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray in laba kale oo ka tirsan shaqaalaha safaaradda laga hor istaagay inay si gaar ah u galaan garoonka.

Ceyrinta ayaa timid maalin kadib markii hogaamiyaha ismaamulka Tatarstan ee Ruushka Rustam Minnikhanov uu sheegay in mas'uuliyiinta Moldova ay u aqoonsadeen isaga iyo wafdigiisa “muwaadiniin aan la rabin” markii ay dalkaas yimaadeen.

Si kastaba, Moldova, ayaa beenisay sheegashadaas, iyadoo ku dooday in uu doonayay in uu tago gobolka gooni-u-goosadka ah ee Gagauzia iyo in uu taageero musharraxa doorashada deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM