Moldova oo ceyrisay diblumaasi u dhashay waddanka Ruushka

Image
Wasiirka arrimaha dibadda ee Moldovan ayaa Arbacadii ku dhawaaqay go'aankan.

MOSCOW, Russia - Wasiirka arrimaha dibadda ee Moldovan ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ay dalkaas ka eryeen diblumaasi sarre oo u dhashay Ruushka, sidda ay ku dhawaaqdey saxaafadda.

"Waxaan go'aansanay in aan dalkeenna ka saarno shaqaale ka tirsanaa safaaradda Ruushka," ayuu wasiir Filip Cojocaru ugu sheegay suxufiyiinta magaala madaxda Chișinău.

Cojocaru oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray in laba kale oo ka tirsan shaqaalaha safaaradda laga hor istaagay inay si gaar ah u galaan garoonka.

Ceyrinta ayaa timid maalin kadib markii hogaamiyaha ismaamulka Tatarstan ee Ruushka Rustam Minnikhanov uu sheegay in mas'uuliyiinta Moldova ay u aqoonsadeen isaga iyo wafdigiisa “muwaadiniin aan la rabin” markii ay dalkaas yimaadeen.

Si kastaba, Moldova, ayaa beenisay sheegashadaas, iyadoo ku dooday in uu doonayay in uu tago gobolka gooni-u-goosadka ah ee Gagauzia iyo in uu taageero musharraxa doorashada deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM