Morocco: 5-jirka ku dhacay ceelka oo qarka u saaran badbaadin

Image

RABAR, Morocco - Dabaal-deg ayaa ka bilowdey qaybo kamid ah Morocco iyo dunida Islaamka markii la baahiyey in uu badbaado ku dhow yahay wiil shan jir ah oo shan maalmood kahor ku dhacay ceel ku yaala waqoyga dalkaas.

Rayan Awram ayaa si lama filaan ah ugu dhacay ceelkan oo ku yaala magaalada Bab Berred. Qoyskiisa ayaa laga soo xigtey in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay dib ula midoobaan wiilkooda da'yarka ah.

Ceelka ayaa dhererkiisa lagu sheegay 100 mitir. Samatabixiyeyaal ayaa godoad ka qoday hareeraha ceelka taasoo suurtagelisay in ay u sii dhowaadaan Rayan oo laba casho kahor la gaarsiiyey cunto iyo oxgeyn.

Shilalka la xiriira carruurta iyo ceelasha ayaa had iyo jeer si deg-deg ah u soo jiita dareenka daawadayaasha warbaahinta caalamiga ah  isla marka ay soo if-baxaan.

Mid ka mid ah samatabbixinta ugu caansan ayaa ka dhacday magaalada Midland, gobolka Texas Sannadkii 1987-kii markii Jessica oo 18-jir ah laga soo badbaadiyay ceel markii god barbar socda la qoday - si la mid ah la isku dayadda Morocco.

Kiisaska qaar ayaa ku dhamaaday masiibo. 2019, Julen Rosello oo 2 jir ah ayaa ku dhacay ceel gudaha Spain. Dadaallada adag ee samatabbixinta waxaa ka mid ahaa in la qoday godad badan si ay isugu dayaan in ay soo badbaadiyaan wiilka.

Boqolaal khubaro ah ayaa ka qayb qaatay hawlgalka naf-badbaadinta ahaa, oo ay ku jiraan in la raray in ka badan 17,000 oo tan oo dhagxaan ah. Laakiin way ku guuldareystaan waxaana 13 casho kadib ay soo heleen meydkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM