Moscow: 15-Jir badbaadiyay 100 qof oo ku sugnaa hoolka ay weerareen Daacish

Image
Muuqaalo laga duubay 15-jirkan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.

Moscow (GO) - Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa Hoolka xafladaha Crocus City Hall ee magaalada Moscow intii ay Daacish fulinaysay weerarkii argagixisanimo ayaa diiwaangeliyay sida nin dhallinyaro ah u awooday inuu badbaadiyo daraasiin rayid ah.

Wiilkan oo 15 jir ah, laguna magacaabo Islam, kana shaqeeya hoolka uu weerarku ka dhacay, ayaa wuxuu go'aansaday inuu badbaadiyo 100 qof, ka dib markii uu u horseeday inay ka baxsadaan goobta, una tilmaamay waddada ugu amaanka badan oo ay uga bixsan karaan hoolka.

Muuqaalo laga duubay wiilkan oo lagu tilmaamay inuu ahaa geesi ayaa la wareejinaayay baraha Bulshada, isaga oo kala jihaynaya dadka, si ay uga baxsadaan rasaasta afartii nin ee weerarka ku qaaday caasimadda Ruushka Jimcihii la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM