Mullah Akhunzada: Amiirka Taliban oo fagaare kasoo muuqdey

Image
Ma jirin wax sawirro ama muuqaalo ah oo laga duubay ninka ugu awooda badan "Imaaraadka Islaamiga ah ee Afghanistan".

KABUL, Afghanistan - Mullah Haibatullah Akhunzada, hogaamiyaha ugu sareeya ee Taliban, ayaa ka qeyb galay shir weyn oo ay isugu yimaadeen hogaamiyaasha diinta iyo odayaasha magaalada Kabul ee caasimada Afgaanistaan.

In ka badan 3,000 oo rag ah ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan kulanka saddexda maalmood ah oo Khamiista ka bilaabmay Jaamacadda Polytechnic ee Kabul, waxaana la filayaa in lagu qaabeeyp xukunka Taliban ee Afgaanistaan.

Imaanshaha Akhunzada, oo aan wax filim ah ama sawir laga qaadin meel fagaare ah tan iyo markii ay kooxda dib ugu soo laabteen talada bishii Ogosto ee sannadkii hore, ayaa laga sii daayay raadiyaha dowladda. Mashxarado iyo heeso ay ka mid yihiin “Ha waarto Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan”, magaca Taliban ee dalka, ayaa la maqlayay.

"Guusha jihaadka Afqaanistaan ​​kaliya maaha mid ay ku faani karaan dadka Afgaanistaan ​​​​ee sidoo kale waxay u tahay Muslimiinta adduunka oo dhan," ayuu Akhunzada ku yiri hadal uu jeediyay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Bakhtar ee ay dowladdu maamusho, isaga oo isticmaalaya ereyga Carabiga ah ee tilmaamaya halgan ruuxi ah.

Akhunzada ayaa waxaa kale oo la sheegay in uu carabka ku adkeeyay in dunidu ay joojiso in ay dagaalameyaasha Taliban u sheegto sida ay dalka u maamulaan.

"Waa maxay sababta dunidu ay u soo farageliso arrimahayaga?" ayuu yiri. "Waxay dhahaan maxaad sidan u samayn weyday, maxaad sidaas u samayn wayday?' Maxay dunidu u faragelisaa shaqadeena?".

Joogitaanka hogaamiyaha ayaa sare u qaaday feejignaanta amniga. Khamiistii, laba nin oo hubaysan ayaa lagu toogtay meel u dhow goobta uu shirku ka dhacayay. Saraakiisha ayaa sheegay in labada qof ay rasaas kasoo bilaabeen saqaf sare balse ay "si degdeg ah u baabi’iyeen mujaahidiinta oo kaashanaya Allaah weyne".

Ugu dambeyn, amiirkan kooxdan fadhigoodu ahaa Qatar kahor inta aysan xukunka qaban Akhunzada, ayaa cod dheer ugu duceeyay dadkii ku dhintay dhulgariir xooggan oo bishii hore ku dilay in ka badan 1,000 qof bariga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM