Muran ka dhashay Jeneraal sare oo Ruushka looga dilay Ukraine

Image
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muran badan dhalisay geerida Maj Gen Magomed oo ka tirsanaa ilaalada qaranka.

MOSCOW, Russia - Wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa sheegtay in Jeneraal u dhashay dalka Ruushka lagu dilay weerar ka dhacay meel u dhow magaalada Kherson ee koonfurta dalkaas.

Taliyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Yakov Rezantsev waxa uuna ahaa taliyaha guutada  49-aad ee ciidamada Ruushka. Niyad jabka ciidanka Ruushka ay kala kulmeen colaada Ukraine ayaa la aaminsan yahay in ay saraakiil sar sare ku qasabtay joogitaanka jiida hore ee dagaalka.

Rezantsev ayaa markii uu bilawday duulaanka uu Ruushka ku qaaday dalka dariska la ah ee Ukraine,waxa uu ku andacooday in dagaalka lagu soo afjari doono muddo saacado gudahood ah.
 
Sida ay sheegtay warbaahinta Ukraine, Jeneraalka ayaa lagu dilay saldhiga ciidama cirka Chornobaivka ee u dhow magaalada Kherson halkaas oo dhawr jeer ay duqeymo ku weeerareen ciidamada Ukraine. Isla saldhigan ayaa lagu sidoo kale lagu dilay Sareeye Guuto, Andrei Mordvichev.

Kherson ayaa ahayd magaaladii ugu horeysay  ay la wareegaan ciidamada Ruushka, waxaana jira warar sheegaya in maalin walba ay halkaasi ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeedo joogitaanka Ruushka.

Inkastoo xukuumada Moscow ay xaqiijiyay dhimashada hal Jeneraal oo kaliya, haddana maamulka Kyiv iyo saraakiisha reer galbeedka ayaa rumeysan in illaa todobo sarkaal lagu dilay dagaalka tan iyo markii uu bilowday.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muran badan dhalisay geerida Maj Gen Magomed oo ka tirsanaa ilaalada qaranka. Wax aan caadi ahayn ayaa lagu tilmaamay in saraakiisha sar-sare ee Ruushka u dhawaadaan jiida hore ee dagaalka waxaana la rumaysan yahay in taasi ay ku qasabtay la tacaalidda niyad jabka ka dhan ah guuldarada kasoo foodsaartay waxa ay ugu yeereen hawlgalka milatari.
 
Iska caabinta ay kala kulmeen ciidamada Ukraine, gargaar la’aanta Ruushka iyo dhimashada xubnaha sarsare ee ciidanka ayaa loo maleynayaa in ay niyad jabka qayb ka tahay.

Ciidamada Moscow ayaa la rumeysan yahay in ay ku tiirsan yihiin furnaanshaha nidaamka isgaarsiinta sida taleefoonada gacanta iyo raadiyeyaasha kuwaas oo si fudud loogu ogaan karo meelaha ay ku sugan yihiin saraakiisha sar-sare.

Sarkaal reer galbeed ah ayaa Jimcihii sheegay in korneel u dhashay Ruushka  ay si bareer ah u jiireen ciidankiisa asagoo isla markiiba geeriyooday. Ilaa hadda, Vladimir Putin waxa  oo uu soo hadal qaaday dhimashada hal Jeneraal kaliyah, oo loo malaynayo in uu yahay Maj Gen Andrey.

Ruushka ayaa sheegay in 1,351 askari ay ka dhinteen tan iyo markii uu dagaalka bilowday, inkastoo Kyiv iyo saraakiisha reer galbeedka ay sheegeen in dhimashada intaasi ka badan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM