Musharaxa taageersan gooni-isu-taagga Taiwan oo ku guuleystay doorashada madaxtinimo

Image
Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ayaa qirtay in laga adkaaday.

Taipei (GO) - Lay Ching-ti, oo ahaa musharaxa xisbiga talada haya, ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Taiwan oo maanta dhacday, Shiinaha ayaa hore ugu tilmaamay doorashadaan mid u horseedi doonta dagaal ama nabad.

Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Kuomintang Hu Yue, ayaa qirtay in laga adkaaday.

Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Progressive Party, oo taageeraya gooni-isu-taagga Taiwan, diidayna sheegashada Shiinaha ee dhulkooda, ayaa mar saddexaad oo xiriir ah la wareegaya awoodda, taas oo aan horay laga arag nidaamka doorashada Taiwan.

Lai wuxuu ku dhiirigeliyay muwaadiniinta inay codkooda dhiibtaan: "Cod kastaa waa lagu xisaabtamayaa, tani waa dimoqraadiyadda Taiwan ee sida adag lagu keenay,".

Kahor doorashada, Shiinuhu wuxuu si isdaba joog ah u dhalleeceeyay Lay Ching-ti waxayna ku tilmaamtay “nin halis ah", Shiinaha ayaa sidoo kale ka diiday Lay baaqyo isdaba joog ah oo uu kaga dalbanayo wadahadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo si rasmi ah u daahfuray Xisbiga "America Party" isagoo dhaleeceeyay labada xisbi ee waaweyn

Xaaladda ayaa kacsatay kadib markii Musk uu ku hanjabay inuu maalgelin doono musharrixiin kasoo horjeeda kuwa taageeray sharcigaasi.

  • Caalamka

    05-07-2025

  • 09:05PM

Trump: Iran waxay dib uga bilaabi kartaa barnaamijka nukliyeerka meelo cusub

Dowladda Iran ayaa marar badan sheegtay in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid ujeedkiisu yahay nabad.

  • Caalamka

    05-07-2025

  • 08:01AM