Muslimiinta ku nool Faransiiska oo laga mamnuucayo xijaabka

Image
Dalka Faransiiska ayaa noqonaya wadanka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu tirada badan ee galbeedka Yurub.

PARIS, France - Xijaabka ay xirtaan dadka Muslimiinta ayaa dhexda u galay ololaha doorashada madaxtinimada dalka Faransiiska oo ay ku loolamayaan musharaxa midigta fog ee Marine Le Pen iyo madaxweynaha hadda talada haya ee Emmanuel Macron.

Madaxweynaha dalka ayaa kasoo horjeestay qorshaha dadka Muslimiinta looga mamnuucayo qaadasha xijaabka kaas oo ay gadaal ka riixeyso Le Pen, waxaana isha si aad ah loogu hayaa codadka dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkaasi.

Dalka Faransiiska ayaa noqonaya wadanka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu tirada badan ee galbeedka Yurub, waxaana la rajeynayaa in labada musharax uu dhex maro tartan adag 24-Abriil ee wareegga labaad.

Inkastoo saadaasha dadweynuhu ay muujineyso in Macron uu horreeyo, haddana waxa ay sheegayaan in Macron oo dhexdhexaad ah iyo musharraxa midigta fog ay aad isugu dhow yihiin marka loo eego doorashadii labadooda dhexmartay 2017-kii.

Falanqeeyayaasha ayaa u nisbeeyay sare u kaca Le Pen in ay ugu wacan tahay iyada oo isu muujisay in ay tahay musharrax dhexdhexaad ah iyo in ay tahay qof awood u leh in ay wax ka qabato dhibaatooyinka ay ka mid yihiin sicir bararka.

Mid ka mid ah siyaasadaha ad-adag ee Le Pen oo ayaa ah in ay ka soo horjeeddo soogalootiga si lamid ah sida ay uga soo horjeeddo xijaabka ay xirtaan dumarka Muslimiinta ah, iyadoo sheegtay haddii ay guuleysato in ay ka mamnuuci doonto dumarka in ay xijaabka ku xirtaan goobaha lagu kulmo ee Faransiiska.

Macron ayaa dhanka kale ku doodaya in siyaasadaha Le Pen aysan ka duwaneyn kuwii xagjirka ahaa ee xisbiga National Front (FN) ee uu aas-aasay aabeheed Jean-Marie.

Waxa uu sidoo kale muujiyay in uu yahay qof difaacaya xorriyadaha diimaha, isaga oo ku adkeystay in mamnuucid kasta oo xijaabka lagu sameeyo ay sharci ahaan ka dhigan tahay in la mamnuucay dhammaan calaamadaha diimaha sida.

Isagoo Talaadadii booqanayay bariga magaalada Strasbourg ayuu Macron waydiiyay gabar xijaaban in ay xijaabka u xiratay dookheeda ama lagu qasbay.

Haweeneydan oo sheegtay in ay tahay qof xuquuqda dumarka u doodda ayaa cadeysay in ay dookheeda u qaadatay. Macron oo farta ku fiiqaya qorshaha Le Pen ayaa yiri, “Tani waa jawaabta ugu wanaagsan ee hadallada xanafta leh ee aan maqlayey.”

Madaxweynaha dalka oo Khamiistii booqasho ku tagay magaalada dekedda leh ee Le Havre ayaa yiri, “Ma jiro hal dal oo caalamka ka mid ah oo mamnuucay xijaabka, ma waxaad rabtaan in aan noqonno dalka ugu horreeya?”

Macron ayaa si aad u og ahmiyadda ay leeyihiin codadka ku dhowaad shan milyan oo Muslimiin Faransiis ah kuwaasi oo lagu qiyaasay in ay boqolkiiba sagaal ka yihiin bulshada dalkaasi.

Odoros ay sameysay The Ifop Pollster ayaa lagu sheegay in 69% codbixiyeyaasha muslimiinta ay wareegi koowaad codkooda siiyeen musharrax kale oo ah, Jean Luc Melenchon.

Macron ayaa u arka soo jiidashada codadkii Melenchon in ay muhiim u tahay wareegga labaad si uu u xaqiijisto in uu mar kale qabto hogaanka dalka, isagoo sidoo kale horaan ula kulmay dhaleeceyn xoog leh oo uga timid muslimiinta iyo madaxda dalalka Islaamka taas oo ku saabsanayd mowqifkii adkaa ee waxa ay dowladiisa ugu yeertay Islaamiyiinta xagjirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM