Muwaadin Ameerikaan ah oo lagu dilay caasimadda Ciraaq

Image
Booliska ayaa sheegay in dableyda ay dhibanaha toogatay kadib markii ay ku fashilantey in ay afduubato.

BAQDAAD, Ciraaq - Muwaadin Maraykan ah oo Ciraaq ku noolaa muddo laba sano ah ayaa lagu dilay badhtamaha Baqdaad, ka dib markii uu fashilmay isku daygii la doonayay in lagu afduubo, sidda ay sheegeen booliiska.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka marxuumka la dhigay isbitaal ku yaala degmada Karrada ee caasimadda, waxaana fahfaahinada hordhaca ah ay tibaaxayaan in dhimashadu ay ka dhalatay rasaas.

Illo ka tirsan booliiska oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in dhibbanuhu uu sitay warqad aqoonsi oo muujinaya in uu ahaa macalin dhiga luuqadda Ingiriisiga.

Macluumaad kale oo laga helay isla Booliiska ayaa caddeeyay in rag hubeysan oo gaari watay ay rasaas ku fureen Gaari SUV ah oo uu la socday shaqsigan kadibna ay toogteen.

"Baaritaankeenii ugu horreeyay iyo goob-joogayaal ayaa muujiyay in rag hubeysan ay isku dayayeen inay afduubtaan muwaadinka Mareykanka ah," ayuu sarkaal ka tirsan booliiska Ciraaq u sheegay Reuters.

Wakaalladda Wararka Ciraaq ee INA ayaa daabacdey in Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi uu bixiyey amar lagu dhisayo Guddi baaritaan ku sameeya dilka Muwaadinkaasi Maraykanka ah.

"Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa heshay warbixinta ku saabsan in muwaadin Mareykan ah lagu dilay Ciraaq, waxayna ku sameynaysaa eegid," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda. "Dabcan waxaan ogaysiin doonnaa xigtada ka hor inta aanan samaynin faallooyin dadweyne".

Karrada waa degmo caan ku ah ganacsiga. Weerarada hubeysan ee ka dhanka ah dadka ajnabiga ah ayaa ka ah wax aan caadi aheyn, inkastoo hubka uu ku dhex faafo dadka rayidka ah.

Ammaanka Ciraaq ayaa si weyn u soo hagaagay tan iyo markii lagu dhawaaqay in laga adkaaday ISIL dabayaaqadii 2017-kii, inkastoo weerarada goosgooska ah ay weli socdaan, kuwaasoo inta badan lala beegsado ciidamada ammaanka Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha oo hawada sarre ka baadi-goobaya ciid iyo dhagxaan

NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 04:15AM

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM