Muwaadiniinta Sacuudiga oo lagu booriyey in ay ka baxaan Lubnaan

Image
Talaabadan ayaa waxay salka ku haysaa xiisadda hubeysan ee u dhaxeysa Falastiiniyiinta dagan dalkaas.

RIYADH, Saudi Arabia - Safaaradda Sacuudiga ee Lubnaan ayaa ku boorisay muwaadiniinteeda inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan dalka, isla markaana ay ka fogaadaan goobaha ay ka dhaceen iska horimaadyada hubeysan.

War qoraal ah oo Jimcihii lasoo dhaafay la soo dhigay barta X ee hore loo oran jiray Twitter ayay safaaraddu uga digtay muwaadiniinta Sacuudiga inaysan booqan goobaha ay ka socdaan iska horimaadyada hubeysan.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, Boqortooyada ma aysan cayimin meelaha ay Lubnaan kula talinayso muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan.

"Safaaradda ayaa carabka ku adkeysay “muhiimada ay leedahay in loo hogaansamo xayiraada socdaalka Sacuudiga ee Lubnaan”, ayaa lagu daray qoraalka.

Tan iyo bishii Luulyo 29-keedii, ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay in ka badan 60 kalena waa lagu dhaawacay isku dhacyo ka socda xerada ugu weyn ee Falastiiniyiintu ka dagan yihiin Lubnaan.

Isku-dhacan ayaa u dhexeeya kooxda Fatah iyo kooxda mayalka adag ee xerada, taasoo ah tii ugu weyneyd ee 12 kaam oo Falastiiniyiin ah oo laga sameeyay Lubnaan 1948-kii kadib markii Israel la abuuray.

Xabbad joojin u dhaxaysa kooxaha Falastiiniyiinta ee ku sugan xerada ayaa lagu dhawaaqay 31-kii Luulyo iyadoo ay dhexdhexaadinayaan dhinacyada Lubnaan hase ahaatee wali si kama dambeys ah uma aysan joogsan is-rasaaseynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM

XOG CUSUB: Halkee Israel kasoo qaadey weerarkii ay ka fulisay Qatar?

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo Mareykan ah, weerarka waxaa fuliyay 12 diyaaradood oo dagaal oo Israa’iili ah—8 F-15 ah iyo 4 F-35 ah.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:01AM