Muwaadiniinta Sacuudiga oo lagu booriyey in ay ka baxaan Lubnaan

Image
Talaabadan ayaa waxay salka ku haysaa xiisadda hubeysan ee u dhaxeysa Falastiiniyiinta dagan dalkaas.

RIYADH, Saudi Arabia - Safaaradda Sacuudiga ee Lubnaan ayaa ku boorisay muwaadiniinteeda inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan dalka, isla markaana ay ka fogaadaan goobaha ay ka dhaceen iska horimaadyada hubeysan.

War qoraal ah oo Jimcihii lasoo dhaafay la soo dhigay barta X ee hore loo oran jiray Twitter ayay safaaraddu uga digtay muwaadiniinta Sacuudiga inaysan booqan goobaha ay ka socdaan iska horimaadyada hubeysan.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, Boqortooyada ma aysan cayimin meelaha ay Lubnaan kula talinayso muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan.

"Safaaradda ayaa carabka ku adkeysay “muhiimada ay leedahay in loo hogaansamo xayiraada socdaalka Sacuudiga ee Lubnaan”, ayaa lagu daray qoraalka.

Tan iyo bishii Luulyo 29-keedii, ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay in ka badan 60 kalena waa lagu dhaawacay isku dhacyo ka socda xerada ugu weyn ee Falastiiniyiintu ka dagan yihiin Lubnaan.

Isku-dhacan ayaa u dhexeeya kooxda Fatah iyo kooxda mayalka adag ee xerada, taasoo ah tii ugu weyneyd ee 12 kaam oo Falastiiniyiin ah oo laga sameeyay Lubnaan 1948-kii kadib markii Israel la abuuray.

Xabbad joojin u dhaxaysa kooxaha Falastiiniyiinta ee ku sugan xerada ayaa lagu dhawaaqay 31-kii Luulyo iyadoo ay dhexdhexaadinayaan dhinacyada Lubnaan hase ahaatee wali si kama dambeys ah uma aysan joogsan is-rasaaseynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM