Al-Sisi oo booqashadiisii ugu horeysay ku tagay Qadar

Image
Dooxa iyo Qaahira ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed bishii Janaayo 2021.

DOOXA, Qadar - Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu ka dagay magaalada Doha ee dalka Qatar, waana booqashadiisii ​​ugu horeysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay sanadkii 2014-kii.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Masar ee MENA, al-Sisi ayaa ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Hamad ee caasimada dalka Qatar ee Dooxa, waxaana ku qaabilay Amiir Tamim bin Hamad Al Thani.

Booqashadan oo qaadan doonta laba maalmood ayaa wakaaladda MENA waxay sheegtay in laga wada-hadli doono arrimaha gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Masar iyo Qatar ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed bishii Janaayo 2021 ka dib markii ay heshiis dib u heshiisiin ah ku kala saxiixdeen Al-Ula, Sacuudi Carabiya, kaasoo hoos u dhigay daaha xiisadda Khaliijka ee soo ifbaxday xagaagii 2017.

Sanadkii 2017, Masar, oo ay weheliyaan Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, waxay jareen xiriirkii diblomaasiyadeed, ganacsi iyo safar ee Qatar, ka dib markii ay Doha ku eedeeyeen inay faragelin ku hayso arrimahooda gudaha iyo inay taageerto "argagixisada" gobolka.

Xukuumadda Doha ayaa beenisay sheegashadaas, waxayna, dhanka kale ku eedeysay isla dowladahaas inay dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan go’doomiyeen Qatar.

Ka dib markii dib loo soo celiyay xiriirka diblumaasiyadeed sanadkii hore, dowladaha Qatar iyo Masar waxay is-dhaafsadeen booqashooyin iyo heshiisyo laba geesood ah.

Tan waxaa ka mid ahaa in la qaado tillaabooyin diblumaasiyadeed oo ay kamid tahay dib u magacaabida safiirada labada dhinac iyo hawlgalinta duulimaadyada tooska ah ee Masar iyo Qatar markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2017-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo dhaliilay codsiga soo xirida Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Dacwad oogaha maxkamada ICC Karim Khan ayaa gudbiyay dalabkan oo sidoo kale lagu soo qabanayo hogaanka Xamaas.

  • Caalamka

    21-05-2024

  • 12:51AM

Ebrahim Raisi: Madaxwaynihii lagu naaneesayay “Kawaanlaha”

Madaxweynaha Iran iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

  • Caalamka

    20-05-2024

  • 03:51PM