Muxuu ka yiri Madaxweynaha Poland hadal ka soo yeeray Ra'iisul Wasaarihiisa?

Image

WARSAO, Poland - Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeeray Ra'iisul Wasaarihiisa ee ku saabsanaa in Warsaw ay joojisay hubaynta Ukraine si khaldan loo fahmay.

Ra'iisul wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa Arbacadii yiri: "Waan joojinay hubka la siinayo Ukraine, annagu oo doonayna inaa dalkeena ku hubayno hub casri ah."

Afhayeen u hadlay dowladda Poland Piotr Mueller ayaa yiri: "Waxa uu sheegay ra'iisul wasaaraha waxaa loo fasiray sida ugu xun ee suurtogalka ah, aragtidayda, ra'iisul wasaaruhu wuxuu ula jeeday inaanan ku wareejin doonin Ukraine hubka cusub ee aan hadda iibsaneyno”

Marka laga soo tago in ay Ukraine ku taageerto hubka, Poland waa waddan laga soo dhoofiyo hubka ay Maraykanka iyo dalalka reer galbeedku siiyaan Kiev.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM