Muxuu ka yiri Madaxweynaha Poland hadal ka soo yeeray Ra'iisul Wasaarihiisa?

Image

WARSAO, Poland - Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeeray Ra'iisul Wasaarihiisa ee ku saabsanaa in Warsaw ay joojisay hubaynta Ukraine si khaldan loo fahmay.

Ra'iisul wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa Arbacadii yiri: "Waan joojinay hubka la siinayo Ukraine, annagu oo doonayna inaa dalkeena ku hubayno hub casri ah."

Afhayeen u hadlay dowladda Poland Piotr Mueller ayaa yiri: "Waxa uu sheegay ra'iisul wasaaraha waxaa loo fasiray sida ugu xun ee suurtogalka ah, aragtidayda, ra'iisul wasaaruhu wuxuu ula jeeday inaanan ku wareejin doonin Ukraine hubka cusub ee aan hadda iibsaneyno”

Marka laga soo tago in ay Ukraine ku taageerto hubka, Poland waa waddan laga soo dhoofiyo hubka ay Maraykanka iyo dalalka reer galbeedku siiyaan Kiev.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM