Muxuu xarafka Z u noqday astaanta dagaalka Ruushka?

Image
Tiro dugsiyo ah ayaa sidoo kale ku dhejiyay qaybo kamid ah darbiyadooda sawirro caruur ah oo taagan qaabka Z.

MOSCOW, Russia - Hadal-heyn badan ayaa ka dhalatay xarafyo kala duwan oo lagu arkay agabka milatariga Ruushka u adeegsadey duulaanka Ukraine kuwaasoo uu ugu caansan yahay erayga Z ayna taxliiliyeen khuburo badan.

Aragtida ugu caansan ee ay adeegsadeen khubarada millatariga si ay u sharxaan xarfaha ayaa ah waxaa kamid ah in ay ku sheegeen in erayga Z uu u taagan yahay Zapad oo macnaheedu noqonayo "Galbeed".

Qaar kale ayaa rumeysan in xarfaha loola jeedo isku day looga fogaanayo "iska hor-imaadyo dhexmara ciidamadda dhexdooda", halka kuwa kale ka mid ah khubarada Ruushka ee taageersan Kremlin-ka ay ku qiyaaseen in xarafka Z uu u taagan yahay magaca madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy, iyo xarafka V uu u dhigan yahay Vladimir Putin.

Tiro dugsiyo ah ayaa sidoo kale ku dhejiyay qaybo kamid ah darbiyadooda sawirro caruur ah oo taagan qaabka Z. Sidoo kale, waxaa lagu dhajiyey guriyaha Midowgii Soofiyeeti ee caasimadda Moscow.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka lafteedu kama aysan hadlin mid ka mid ah aragtiyaha, waxayna taa beddelkeeda ku dhejisay kanaalkeeda Instagram in Z uu ula jeedo Za pobedu ("guusha") iyo V waxay u taagan tahay "awoodda runta".

Sidee xarafka "Z" u noqday astaanta dagaalka Ruushka?

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, xarafka Z wuxuu noqdey astaanta milatariga Ruushka ilaa calaamadda ugu weyn ee taageerada dadweynaha u muujinayaan duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Saddex maalmood ka dib duullaanka, shabakadda dawladda ee RT ayaa ku shaacisay baraha bulshada in ay iibinayso badeecado ku xardhan xarafka Z, oo ay ku jiraan funaanado iyo koofiyad, si ay taageero ugu muujiyaan ciidammada.

Sergei Tsivilev, oo ah madaxa gobolka Kemerovo, ayaa ku dhawaaqay inuu go'aansaday inuu beddelo magaca ismaamulkiisa kuna kordhinayo xarafka Z ee gobolka, taasoo hadda ka dhigaysa magaca rasmiga gobolkaas "KuZbass".

Ruushka ayaa taariikh u leh inuu kor u qaado calamadaha qaarkood si loo taageero ciidanka. Intii lagu guda jiray la wareegistii Crimea, Ruushku wuxuu si weyn u dhiirrigeliyay isticmaalka xargaha orange-iyo-madow ee Saint George.

Xarafka Z ayaa u muuqda mid loo adeegsaday xeelad cabsi gelin ah oo ka dhan ah kuwa dagaalka ka soo horjeeda. Xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in calaamadda Z lagu rinjiyeeyay albaabka guriyahooda ayaga oo faafiyey sawirro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM